Awdalpress – London – War naga soo gaadhay Is-maamulka Puntland, ayaa sheegaya in guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ay goor dhoweyd shaaciyeen xubnaha ku tartamaya xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ee Puntland.Diiwaangelinta musharrixiinta oo ku ekeyd shanta galabnimo ee Axadda maanta ( 6/01/2019 ) galabta, ayaa ugu dambeyn la shaaciyay xubnaha musharrixiinta noqon doona ee buuxiyey shuruudaha laga rabo musharraxa, isla markaana xilligan is diiwaangeliyey.
Tirada musharrixiinta xilka madaxweynaha u tartamaya ayaa gaadhaya 21, halka 11 musharrax ay u tartamayaan xilka madaxweyne ku-xigeenka.
Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa la qabanayaa maalinta Salaasada ee bisha Jannaayo tahay 8da. Doorashada ka hor ayaa musharrixiintu baarlamaanka ka hor jeedin doonaan khudbad ama hadal ka tarjumaya sababta ay musharrax walba uu jagadan ugu tartamayo, waxana qudbadahaasi billaabmi doonaan maalinta barrita ah oo ku beegan Isniin.
Waa kuwama musharraxiintu?
Hoos ka akhri musharrixiinta la diiwaangaliyay ee guddiga uu shaaciyay;

Awdalpress




