Awdalpress – London – Xoghayaha gaashaan-dhigga dalka Ingiriiska mudane Gavin Williamson iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho gaaban ku yimid Somaliland, waxa ay kulammo yeesheen Madaxweyne Muse Bixi iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda. Waxa kale oo ay wafdigaasi kulmeen saraakiisha ciidammada.
Booqashadan xoghayaha gaashaan-dhigga dalka Ingiriiska ayaa daarran arrimo la xidhiidha ammaanka gobolka iyo sidii dalka Ingiriiska iyo Somaliland ay isaga kaashan lahayd sugidda amniga gobolka.
Bishii August ee sannadkii hore ayaa xoghayahani uu booqday Muqdisho iyo Kenya, waxana ay madaxda dalalkaasi ka wada hadleen, sidii loo dhisi lahaa ciidan sugi kara amniga. Sidoo kale waxa ay wasiirka gaashaan dhigga Somalia ka wada hadleen, arrimo ay ka mid yihiin AMISOM iyo tababarrada uu Ingiriisku siiyo ciidammada gaarka ah ee Somalia.
Awdalpress





