Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweynaha loo doortay Puntland ma hagaajin doonaa xidhiidhka gobolkiisu la leeyahay xukuumadda Muqdisho.

$
0
0

Madaxweyne Siciid Abdillaahi Deni oo ah hoggaamiyaha cusub ee loo doortay Puntland ayaa dad badani is weydiinayaan nooca ay siyaasaddiisu noqon doonto iyo in uu gees iskaga tiirin doono khilaafkii u dhexeeyey dawladda Federaalka ah ee uu hoggaamiyaan Farmaajo iyo in kale.

 

Si kastaba siyaasaddu ha u socotee, waxa laga wada dharagsan yahay in xukuumadda Muqdisho ay u xusul duubayso, sidii ay wada shaqayn fiican ula yeelan lahayd maamul goboleedyada. Oo weliba ay maamul goboleedyadu ugu soo xidhmi lahaayeen dawladda dhexe, sida dalka Ethopia oo kale.

 

 

Farmaajo iyo hannaankiisa dawladnimo ee uu doonayo in uu Somalia ku maamulo muddada uu madaxweynaha ka yahay, ayaa waxa hore uga biyo diiday madaxdii maamul goboleedyada oo ay qaar hawada ka baxeen sida Sharif-kii Baydhaba iyo Abdiweli Gaas oo shalay galbaday, halka la filayo in Madoobaha Kismayana xukunka laga tuuro.

 

Maamulka Koonfur Galbeed waxa dhawaan loo doortay Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) sida laga warqabana waxa uu la socdaa Farmaajo iyo Khayre.  Shalayna waxa saaxadda siyaasadda Punland is keenay Deni oo taariikhdiisu ka geddisnayn Laftagareen.

 

Madaxda maamul goboleedyadu waxa ay quwad ku leeyihiin is bahaysi iyo mawqif mid ah, laakiin haddii mid gees u baxo, waxa iman doonta in cuno qabatay aanu qaadi karin uu kala kulmo xukuumadda Muqdisho. Sidaasi daraaddeed, waxa aan shaki ku jirin in Madaxweynaha cusub ee Puntland aanu ku deg degi doonin amma aanu halkii ka sii wadin khilaafkii u dhexeeyey Puntland iyo dawladda Federaalka ah. Taasi oo ay khasbayso danaha dawladnimo ee Puntland ay ka rabto Muqdisho amma baahiyaha dhaqaale ee dawladda Puntland ay xilligan qabto iyo siyaasadda gobolka oo aan maanta laga jeclayn khilaaf keena ammaan darri, fara isku taag taag iyo kala danbayn la’aan.

 

 

Laakiin dhinaca kale Madaxweyne Deni, waa shakhsi loo tiriyo in uu la socday xisbigii Damu Jadiid iyo mucaaridka ka soo horjeeda Farmaajo. Ka shakhsi ahaanna waxa uu hore ula tartamay madaxweyne Farmaajo. Doorashadii ka dibna, wax soo dhaweyn ah kama uu helin Farmaajo iyo Khayre toona. Balse maanta markii la doortay si weyn ayey madaxda dawladda Federaalku u hambalyeeyeen.

 

Isku soo wada duuboo, waxa natiijada ama jawaabta su’aashan la heli doonaa, marka lagu kala baxo doorashada Kismayo oo iyana dhawaan la qaban doono. Haddii uu Madoobaha Kismayo daaqadda ka baxana, waxa dhici doona in shir ballaadhan oo ay wada galaan maamul goboleedyada iyo dawladda Federaalku wada galaan, shirkaasi oo awoodda lagu saaro doono sidii gacmaha la isku qabsan lahaa, kala danbayntana loo soo celin lahaa.

 

Waxa iyaduna xusid mudan in dhaqankii dawladda Ethopia ee ahayd in madaxda gobollada iyo kuwa Federaalku isku dhaaf dhaafi jireen Addis Ababa uu meesha ka baxay, taasina ay wiiqday awooddii madaxda maamul goboleedyada. Isla markaana ay qasbayso in ay Muqdisho ku xidhmaan.

 

Ugu dambayna, marka maamul goboleedyada Somalia soo kala baxaan, waxa is wajihi doona Farmaajo iyo Muse Bixi oo arrimo badani isaga xidhan yihiin, beesha caalamkuna ay danaynayso sidii ay labada hoggaamiye u yeelan lahaayeen cod mid iyo mawqif mid ah oo ku wajahan siyaasadda mandiqadda amma ay ku wada shaqeeyaan, illaa iyo inta ay labada dal kala baxayaan amma la imanayaan heshiis wada shaqayneed oo ku meel gaadh ah.

 

Ahmedweli Goth


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images