Awdalpress – London – Wararka ugu xiiso badan ee usbuucan, ayaa waxa ka mid ah booqashada aan hore loo sii shaacin ee Xoghayaha Difaaca ee Ingiriisku mudane Gavin Williamson uu ku tegey Hargeysa. Socdaalkaasi oo ujeedkiisa wax badan la iska weydiinayo.
Ugu horreyn, booqashda Xoghaye Gavin Williamson ee Somaliland waa arrin culayskeeda leh, hase yeeshee maaha mid ay Somaliland ku casuuntay dalkeeda amma laga soo shaqeeyey. Waxase aan shaki ku jirin in ay sharaf u tahay xukuumadda Somaliland. Maaddaama baryahan danbe loo arkayey in xidhiidhkii caalami ee Somaliland uu hoos u dhacay.
Dhinaca Somalia oo dad badani fahamsan yihiin in Ingiriisku aanu waxba ka weydiin xukuumadda Farmaajo amma aan lala socodsiin socdaalka Xoghayaha difaaca Britain uu ku tegey Somaliland, ayaa iyana ah mid cid kasta oo u baahataa ay si fudud ku heli karto, balse xukuummadda Muqdisho ayaan illaa iyo immiga ka hadlin. Lagamana yaabo in ay ka hadasho, waayo dawladda Britain waa dawlad lagu yaqaan in aanay sharciga caalamiga ah si fudud uga gudbin, isla markaana ku suntan in ay tahay dawladda koowaad ee ilaalisa nidaamka caalamku heshiiska ku yahay.
Si kastaba aha ahaatee, waxa iyana aan daah saarnayn, in boqortooyada Ingiriiska oo la daalaa dhacaysa sidii ay uga bixi lahayd ISKU TAGGA YURUB, ay xilligan dawladdeedu ka fekerayso sidii ay saaxiibbo cusub u samaysan lahayd amma saldhigyo uga heli lahayd BAABUL MANDAB iyo badaha geeska. Sidaasi awgeed ayaa xoghayaha difaaca Ingiriisku uu u booqday Somalia bishii August ee sannadkii hore ama Somaliland oo uu booqday usbuucan.
Xogta runta ah ee booqashadan ayaa inta Somaliland khusaysa loo gudbiyey Madaxweyne Muse Bixi. Wararka kale ee UAE amma Rushka ee lagu lifaaqayo socdaalka Ingiriiskuna waa fikir uu qof qoray, ee maaha mid xaqiiq ah. Inkasta oo quwadaha waaweyni ay u tartamayaan sidii ay saldhigyo uga heli lahaayeen goobaha Statijiga ah ee dunida saddexaad.
Gaba gabadii, arrinta caalamku isha ku hayaa waa isbeddelka geeska Afrika ee ka bilowday Ethopia, oo beesha caalamku ay u daba fadhido ra’iisal Wasaare Dr. Ahmed Abiy iyo xukuumaddiisa. Somalia iyo Somalilandna waxa ay qayb ka yihiin sida isbeddelkaasi u saamayn doono geeska. Taasi ayaa ah arrinta ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in la isla fahmo.
Ahmedweli Goth





