Awdalpress – London – OGEYSIIS hadda soo gaadhay shabakadda wararka ee awdalpress.com ayaa sidan u dhigan:
OGYSIIS KU SOCDA JAALIYADDA GOBOLLADA AWDAL, SALAL IYO GEBILAY EE UK
ACWW
Waxa si xushmad leh loo wargelinayaa Jaaliyadda Awdal, Salal iyo Gebilay ee ku dhaqan UK, in ay ka soo qayb galaan shir lagu falanqayn doono isbeddellada siyaasadeed ee ka socda geeska Afrika iyo saamaynta uu ku yeelanayo guud ahaan geyiga Somaliyeed, gaar ahaanna shacabka ka soo jeeda gobollada Awdal, Salal iyo Gebilay. Sidoo kale waxa aad loo lafa guri doonaa, danaha ummadda deegaannadaasi ay wadaagaan iyo sidii ay iyaga oo midaysan u wajihi lahaayeen xaalaadka siyaasadeed iyo mujtamac ee ku gadaaman.
Shirkaasi waxa uu qabsoomi doonaa taariikhdu marka ay tahay 25/01/2019, oo ku beegan maalin Jimce ah, saacadda uu shirku bilaabmi doonaana waa 18:00 amma lixda galabnimo illaa iyo 22:00 ama tobanka fiidnimo ee saacadda UK.
Goobta shirku waa:
Capital City Academy
Doly Garden, Willesden
London NW10 3ST
UK
Wixii faah-faahin ah ee shirkaa ku saabsan waxa aad kala xidhiidhi doontaan telefoonnada hoos ku qoran
- 07916420217
- 07450364239
- 07882207074
Awdalpress






