Awdalpress – London – Habeenkii xalay ahayd ayaa dab qabsaday suuqa ku yaalla magaalada Muqdisho. Waxana dabkaasi ku bas beelay dukaanno bacadlayaal ah iyo goobo kale.
Suuqan Barkaaraha ee dabku ka qarxay ayaa ah kan ugu weyn magaalada Muqdisho amma ka mid ah suuqyada ugu waaweyn ee Afrika. Dabka maanta holciyeyna waa kii ugu weynaa ee soo mara.
Shacabkii ka ag dhawaa goobaha uu dabku ka dhacay ayaa saxaafadda u sheegay in uu dabku ka billowday goobaha lagu iibiyo dharka loo yaqaan Who died? ama second hand ka… suuqa Furshaanta. Waxa kale oo ay sheegeen in kooxaha dab damisku ay meelo badan isaga yimaaddeen, ugu danbaystiina ku guuleysteen in ay dabka demiyaan.
Awdalpress





