Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweynaha dalka Djabouti ayaa maanta qasrigiisa ku qaabbilay wafdi ay hoggaaminaysey wasiirka difaaca dalka Ethopia.

$
0
0

Awdalpress – London – Madaxweynaha Djabouti mudane Ismail Omer Geelle ayaa maanta qasrigiisa ku qaabilay wafdi ballaadhan oo ay hoggaaminaysey wasiirka gaashaan-dhigga Ethopia Marwo Asha Mohamed oo asal ahaan u dhalatay qowmiyadda Afarta ee Ethopia.

 

Wafdigan ballaadhan ee Wasiirka gaashaan-dhigga Ethopia ku yimid Djabuti, ayaa ah kii noociisa ah ee ugu horreyey illaa iyo intii uu Dr. Abiy hogganka u qabtay xukuumadda Ethopia. Waxana labada dawladood ka wada hadli doonaan, arrimaha ammaan ee daarran geeska iyo xidhiidhka dheer ee labada dal.

 

Muddaba waxa gudaha dalka Ethopia ka jiray shaqaaqo keenay gacan ka hadal, oo ay isaga hor imanayeen qowmiyadaha Oromada iyo Somalida ee wada degan Diridhaba, Mooyaale iyo dhul daaqsimeeyada degaannadaasi. Sidoo kale waxa gacan ka hadal dhiig ku daatay ka dhex dhacay qabiilooyin Canfar ah iyo qabiilka Ciisaha ee wada dega degaannada ay wada degaan.

 

 

Awdalrpess


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images