Awdalpress – London – Sooyaalku waxa uu sheegayaa in labada qowmiyadood ee Somalida iyo Oromiya ay yihiin dad asal ahaan meel ka soo wada jeeda, waxana afafkooda la isku yidhaa KUSHITIG. Culimada taariikhda luqaduhuna waxa ay sheegaan in ay isku bah yihiin, halka aanu AXMAARIGU la bah ahayn.
Muddooyinkii boqollaalka sano ahayd ee dalka Ethopia ay dawladahu ka jireenna, waxa ay labada qawmiyadood ka sinnaayeen, cadaadis, colaado iyo gumaysi arxan darro ah oo lagu hayey Oromiya iyo Somalida. 50kii sano ee ugu danbeeyeyna waa ay ugu sii darrayd, dhulka hoostiisa ayaana la geliyey.
Dagaalkii 77 ee xukuumaddii Siyaad Barre ku qaadday keli taliyihii Mingiste oo ahaa mid uu keenay dhibkii Ethopia ku haystay Somalida iyo Oromiya, ayaa ugu horreysey in ay qawmiyadahaasi madaxa la soo kacaan, laakiin si sidii hore ka naxariis daran ayaa xukuumaddii Mingiste ula dhaqantay. Ugu danbayntiina xukuumaddii Tigranya ayaa madaxa la isku sii geliyey, iyada oo u kala samaysay xuduudo iyo tuulooyin ay fidmo ka dhex abuuranto.
Nasiib wanaag waxa maanta dhammaaday dibin daabyadii iyo gumaysigii ay labadaa qawmiyadood muddada qarniyada ah ku hoos noolaayeen. Waxase ay ka dhaxleen dhibaatada hadda degaannadooda ka jirta oo iyana dhakhso u dhammaan doonta.
Xukuumadda cusub ee Dr. Abiy ee la timid fikirka cusub ee dhaliyey isbeddelka weyn ee geeska Afrika iyo Afrika oo dhan laga filayo, ayaa labadaa qawmiyadood iyo qawmiyadaha kale ee Ethopia ku dulmanba ugu iftiimaya waa-cusub, oo aan hore loo arag. Fursaddaasina waxa weli la dagaallamaya hadhaagii xukuumadihii dhiigya cabka ahaa ee Ethopia soo maray. Kuwaasi oo hurinaya isku dhacyada qawmiyadaha walaalaha ah.
Hadal iyo murti, waxa xilligan loo baahan yahay in la gudo galo sidii loo dhammayn lahaa amma shucuubka Ethopia guud ahaanba looga bogsiin lahaa, xanuunkii, xanaftii iyo dhibaatooyinkii ay ka dhaxleen maamulladii Dr.Abiy ka horreeyey.
Ahmedweli Goth





