Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland oo weerar culus ku haysa xukuumadda Muse Bixi/ Abdirahman Zaylici iyo diimoonaanta saxaafadda dawladda.

$
0
0

Awdalpress – London – Xukuumadda Madaxweyne Muse Bixi iyo Abdirahman Zaylici ayaa ah mid xilligan ku waabariisatay mucaaridad aad u adag oo ay hoggaanka u hayaan saxaafadda iyo qaar ka mid ah hal abuurka reer Somaliland. Sida ka muuqata shaashadaha mareeragana, waxa aad meel walba ka arkaysaa iyada oo hadallo seefa ah iyo clipyo muuqaalla ah lagaga sheekaynayo qalloocyada ka muuqda xukuummadda Somaliland ee xilligan talada haysa.

 

 

Aniga oo aan Muse Bixi iyo Abdirahman Zayli iska ammaanayn, waxa aan aamminsanahay in ay yihiin shakhsiyaad si walba uga daacadsan madaxweynayaashii ka horreeyey, isla markaana doonaya in ay Somaliland u egaato dawlad la wada leeyahay, dawlad xafidi karta ammaanada ummadda iyo dawlad waxqabadkeedu gaadhi karo dalka Somaliland. Laakiin waxa hor yaalla catabado aanu si dhib yar uga gudbi karin, illaa uu sameeyo isbeddel muuqda oo soo jiita shacabka.

 

 

Marar ay shabakadda awdalpress u kuur gashay sababaha ay mucaaridadda intaa la’egi uga hor timiyaaddeen Muse iyo xukuumaddiisa, waxa noo soo if baxday arrimo badan oo aan eeddeeda saarayno xisbiyada mucaaridka, golaha wasiirrada iyo saxaafadda hoos timaadda xukuumadda oo xilkeedii bannaysay.

 

 

Haddaba waa maxay isbeddelka ay Muse iyo Zaylici ku hanan karaan shacabkooda?

 

 

  1. Muse iyo Zaylici waxa ay u baahan yihiin in ay  la tashadaan shakhsiyaal aqoon, karti iyo isku kalsooni leh, oo runta u sheegi kara, halka ay danta dalka iyo ummaddu ku jirtana u tilmaama, oo ka duwan kuwa ay maanta la tashadaan ee duddada u fadhiya, ee aan waaya aragnimo iyo aqoon midna lagu ogeyn.
  2. Muse Bixi Iyo Abdirahman Zaylici waa in ay sameeyaan isbeddel ballaadhan oo golaha fulinta ah, sida Wasiirrada, Agaasimayaasha, Guddoomiyayaasha gobollada iyo madaxda hay’adaha xasaasiga ah. Isla markaasina uu keenaa mas’uuliyiin aqoon, waaya aragnimo, isku kalsooni iyo karti u leh in ay ummadda ugu adeegaan.
  3. Madaxweyne Muse iyo Zaylici waxa looga fadhiyaa in ay daba gal ku sameeyaan hantidii ummadda ee la boobay, sida dhismaashii dawladda, dhulkii ummadda u dhaxaysey iyo hantiyihii kale ee xukuumadihii ka horreeyey ay bililiqaysateen.

 

Haddii uu saddexdaa qodob ay Muse iyo Zaylici si ka fiirsi leh u fuliyaan, waxa aan shaki ku jirin in xukuumadda maanta Somaliland ka talisaa ay hanan doonto quluubta shacabka.

 

Isku soo wada duuboo, Muse iyo Zaylici waa mas’uuliyiin ku-dhac leh, awoodi kara in ay sameeyaan isbeddel ka xoog badan ka maanta ka socda Ethopia, laakiin waxa weli hareeraha ka yaalla kutub faalsa ah, oo ay ku qoran yihiin dastuur dawladeed oo qaldan, shaxda dawladeed ee ku qoranina ay tahay mid qabiil….taasi oo ragaadisay maamulladii hore iyo kani Muse Bixi intaba.

 

Laakiin Muse iyo Zaylici illaa immiga waxa ay ku dadaalayaan ilaalinta hantida ummadda ee sida waallida ah loo boobayey, sida lacagihii loo doonan jiray madaxtooyada, laaluushkii iyo musuq maasuqii. Kuwa immiga ka daba qaylyayaana waa kuwii hore ugu walfay boobkaasi.

 

Horaa loo soconayaa.

 

Awdalpress

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images