Awdalpress – London – Caawa waxa galbeedka magaalada London ka dhacay shir ay isugu yimaaddeen haldoorka Jaaliyadda Adal ee UK deggen. Shirkaasi oo la isaga kala yimid magaalooyinka gobollada iyo magaalooyinka dalka Ingiriiska, ayaa ku qabsoomay jawi farxad leh, kuna dhammaaday natiijo aad u wanaagsan.
Ujeeddada shirka:
- Xoojinta iyo noolaynta midnimada ummaddeenna
- Taageerada shirka maanta ka dhacay Aw Barre ee uu Ugaas Abdirashid hoggaaminayey.
- Taageerada talada oday dhaqameedka iyo waxgaradka reer Awdal ay ku baadi goobayaan sidii ay dadka reer Awdal awood qaybsi sax ah uga heli lahaayeen Somaliland.
- Xog ogaal u noqoshada siyaasadda mandiqadda geeska ka aloosan.
Waxgaradkii rag iyo dumar lahaa ee madashaa shirka ka hadashay, ayaa dhammaantood hoosta ka xarriiqay sida ay shacabkoodu ugu harraaddan yihiin midnimo iyo in ay xooggooda mideeyeen. Qodobbada ujeeddada shirku ku qotomaanna aad ayey mid mid uga hadleen.
Qaabka shirku u dhacay ayaa ahaa mid casri ah, oo si fiican loo hagayey. Waxana hoggaanka u hayey suxufiyiin iyo odayaal miisaan leh. Intii uu shirku socdayna, waxa qof wal oo goob joog ahaa ilaalinayey nidaamka, si asluub iyo ixtiraam uu ka muuqdana waxa u socday qudbadaha iyo warbixinaha madasha shirka laga soo jeedinayey.
Arrimaha aadka looga hadlay waxa ka mid ahaa siyaasadda oo runtii loo malaynayey in aad loogu kala geddisan yahay, balse dood dheer ka dib, la meel fiican la isugu yimid. Waxana aad loogu daalay siyaasadaha iyo maamullada ay shucuubka reer Adal kaga nool yihiin geeska Afrika iyo isbeddellada xilligan ka socda mandiqaddaasi.
Hadalladii madasha laga yidhina, haddii aan soo koobno, waxa ka mid ahaa:
Maanta waxa muuqda ifafa-faalo iyo dareen ka dhashay wakhtiga lagu jiro iyo sida qawmiyaddani reer Adal ugu baahan tahay midnimo ay ku wajahaan waayaha nololeed, siyaaso iyo mujtamac ee ku xeeran amma ay la nool yihiin.
Shacabka reer Adal kuma sii jiri karaan sidii hore ee ay kaga noolaayeen dalalka gobolka oo ay ku dulman yihiin. Waxana ay maanta nasiib u heleen in ay ka mid yihiin amma la shaqayn doonaan, isbeddel kasta oo ummadaha wada nooli si siman oo caddaalad ah ugu wada noolaan karaan geyiga geeska Afrika.
Sida aan ka warqabnana isbeddelka siyaasadeed ee maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaya, ee u sinqaya dhinaca toosan, isla markaana caalamku aadka u taageersan yihiin, natiijadiisana ay isha ku hayaan. Laakiin dhinaca Somalida ay innooga muuqato siyaasadda qabiilka ku dhisan ee yoo yootanka badan ku gadaaman yahay.
Innagu ka qawmiyad ahaan qayb kama nihin yoo yootankaa iyo murannada siyaasadeed ee awood qaybsiga lagu loollamayo. Laakiin waxan nahay isbeddel doon wax la leh maamullada Somaliland, Djabouti iyo Ismaamulka Somalida ee Ethopia. Sidoo kale dalalkaasi waxan ka nahay cudud muuqata oo dhismaha dawladnimana qayb ka ah.
Jamhuuriyadda Djabouti waxa xilligan ka muuqda in isbeddelkaasi Ethopia ka curtay uu culays badan ku hayo, waxana dhibi imanaysaa haddii ay Djabouti iyo dawladda cusub ee Ethopia isla saan qaadi waayaan. Innagana waxa ay innagu yeelan doontaa saamayn togan. Awood qaybsiga Djaboutina qayb kama nihin, haddana marka ay cudud noqoto waa la innoo baahan yahay. Sida taariikhda ku qoran amma socotana Djabouti waxba iskuma nihin.
Gaba gabadii shirka waxa uu ku dhammaaday is afgarad iyo farxad, waxana loo ballamay kulammo kale, oo laga soo qayb gelin doono xubno waaweyn oo dawladda Ingiriiska ka tirsan iyo hay’adaha daneeya Somalida.
Awdalpress





