Awdalpress – London – Shirkani ka socda magaalada Aw Barre ee degaanka Somali State, ee uu hoggaaminayo Ugaaska Beelaha Gadabuursi Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi, isla markaana ay ku dhan yihiin oday dhaqameedka beelahaasi, oo isaga kala yimid degaannada ku yaalla dalalka Somaliland, Djabouti iyo Ethopia ayaa ah shir uu noociisu degaannadaa ku cusub yahay, oo ka madax bannaan fara gelin dawladeed iyo waxa la hal maala.
Saddexda casho ee shirkani socday ayaa si habsami leh loo lafa gurayey ujeeddada shirka oo ah in shacabka degaannaasi isku tashadaan, u midoobaan wax wada qabsi ay ku wajahaan baahiyahooda siyaasadeed iyo mujtamac. Intii uu shirku socdayna waxa ay gees isaga tiiriyeen siyaasadaha wajiyada badan ka aloosan degaannada ay deggen yihiin, waxana ay cuddudda saareen danaha iyo wada jirka dhexdooda sidii ay ugu horreyn meel u dhigi lahaayeen. Kadibna ay mawqif mid ah uga qaadan lahaayeen, loollanka siyaasadeed iyo is riix riixa mujtamacyada wada deggen mandiqadda geeska.
Ergooyinkii ka kala socday degaannada kala geddisan ee ay beelahani kala degaan, ayaa hadalka u goo-goosanayey si miisaan leh, oo ay ka reebban tahay caaddifad, ujeeddo gaar iyo nacayb umadeed amma mucaaridad ku wajahan maamul amma beelo kale.
Hab socodka shirka oo ay hoggaaminayaan aqoon yahanno xeer-dheerayaal ku ah sida mujtamac loo dhiso, waxgarad iyo hoggaanka dhaqanka oo uu hormood u yahay Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi, ayaa laga filayaa in ay qodobbadani ka soo baxaan:
- Shirkan waxa lagu iclaamin doonaa wakhtiga rasmiga ah ee la qaban doono shirweynaha xagaaga la qorsheeyey in uu mar kale ka qabsoomo degaanka Somali State.
- Shirkan Aw Barre ka socda waxa lagu magaaci doonaa guddi ku meel gaadh ah oo u xil saaran qaban qaabada shirweynaha xagaaga iyo ujeeddooyinkiisa oo meel la isla sii dhigo.
- Muddaynta kulammo is daba joog ah oo ay oday dhaqameedyada iyo guddiga ku meel gaadhka ahi ay yeeshaan muddada ka horreysa shirweynaha xagaaga.
- Shirka waxa lagu sheegi doonaa ballan adag oo ay Ugaaska iyo oday dhaqameedyadu wada guddoon sadeen, si ay uga midho dhaliyaan ujeeddada fog iyo ta dhaw ee ay ummaddooda ku hoggaaminayaan.
- In degaannada ay shacabkani degaan laga dhiso ururro Haween oo noqda ka ugu miisaan badan dadka Somalida.
- Garabka dhallinyarada ee heer degmo, heer gobol iyo heer caalami oo lagu wargelin doono, sidii ay ugu soo xidhmi lahaayeen isbeddel doonka, cududdoodana ula garab joogsan lahaayeen geeddiga cusub amma halganka bilowga ah, ee masiirka ummadda degta gobolladaasi Awdal, Salal, Gebilay, Degaanka Somalida Ethopia iyo Djabouti.
- Muddada shirweynaha xagaaga ka horreysa wixii arrimo siyaasadeed ah amma arrimo kale ah, waxa taladeeda yeelan doona goddiga ku meel gaadhka ah ee isugu jira hoggaanka dhaqanka iyo aqoon yahanka.
Awdalpress





