Awdalpress – London – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa xalay soo saaray Liiska gollihiisa wasiirada Puntland ee sharciga ah. Waxanay isugu jiraan wasiiro, wasiir Ku-xigeeno iyo wasiiru dowlayaal.
Liiskan Wasiirrada ayaa ah midka soo jiitay indhaha dad badan, waxana aad uga dhex muuqda beesha Dhulbahante oo ka heshay wasaarado miisaan leh, oo weliba qaar isugu jiraan saddex saddex wasaaradood.
Agaasimaha Telefishanka dowladda Puntland Jamaal Carab Yuusuf ayaa akhriyay liiska Gollaha . ( Halkan daawo amma ka akhriso )
- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Sheikh Xaamud
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Mohamed Abdirahman Dhabancad
- Wasiirka Amniga iyo DDRTa Cabdisamad maxamed Gallan
- Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal
- Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange
- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xassan
- Wasiirka Caafimaadka Dr, Jaamac Faarax Xassan ( Dhulbahante )
- Wasiirka Howlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Axmed Bashiir Muuse
- Wasiirka Dekeddaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majaajiyo.
- Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xusseen Cismaan Lugatoor (Dhulbahante )
- Wasiirka Haweenka & Horumarinta Qoyska Aamina cisman Xaaji Jaamac
- Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska Cali Xassan Axmed Sabareey ( Dhulbahante )
- Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aden
- Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Waraabka Ismaaciil Diiriye Gacmadiid ( Dhulbahante )
- Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashuga Cabdullaahi Cabdi Xirsi
- Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash
- Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Jaamac Faarax Muuse ( Dhulbahante )
- Wasiirka Tamarta, Macdanta & Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran)
Wasiir kuxigeeno dowladda Puntland.
- Wasiir kuxigeenka Cadaaladda & Arrimaha Diinta Maxamed Cali Faarax
- Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Cabdiweli Mire Xirsi iyo Maxamed Musadaq Maxamed
- Wasiir kuxigeenka Amniga & DDRTA Yuusuf Maxamed Ismaaciil.
- Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cumar Xassan Fiqi iyo Yaasiin Ibraahin Ciise.
- Wasiir kuxigeenka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga caalamiga Yaasiin Mire Maxamuud.
- Wasiir kuxigeenka Waxbarashada & Tacliinta Sare Mukhtaar Maxamuud Xassan Jayte
- Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi
- Wasiir kuxigeenka Howlaha guud & Guryeynta Maxamed Xuseen Xaashi
- Wasiir kuxigeenka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda Yaasiin Cartan Maxamed
- Wasiir kuxigeenka Duulista Hawada iyo Garoomada Sucaad Saalax Nuur
- Wasiir kuxigeenka Horumarinta Qoyska & Haweenka Sahro Cabdi Xirsi
- Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax
- Wasiir kuxigeenka Xanaanada Xoolaha Cabdiweli Seed Cali
- Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xassan Ciise iyo Faaisa Cali ismaaciil.
- Wasiir kuxigeenka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Mustafa Daahir Aden
- Wasiir kuxigeenka Kalluumeysiga & Kheyraadka badda Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud
- Wasiir kuxigeenka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Axmed Cabdiraxmaan Xirsi
- Wasiir kuxigeenka Tamarta, Macdanta & Biyaha Maxamed Bashiir Cabdullaahi
Wasiiru Dowlayaasha
- Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac
- Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Maxamed Axmed Kunle
- Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir Cismaan
- Wasiiru dowlaha Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalah iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim
- Wasiiru dowlaha Waxbarashada & Tacliinta Sare Cabdullaahi Xassan Roobke.
- Wasiiru dowlaha Caafimaadka Sayid Cumar Guuleed
- Wasiiru dowlaha Duulista Hawada & Garoomada Maxamed Xassan Kiili.
- Wasiiru dowlaha Deegaanka, Beeraha & Waraabka Cabdirashiid Cali Geelle.
- Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Cabdiqani Geelle Max’ed.






