Afeef
Ma jecli in aragtidayda loo tarjimo in aan kaga hadlo daka ku nool amma ka soo jeeda gobollada Somaliland qaarkood iyo dhaqanka dad badani caadaysteen ee u eg sawirka uu maqaalkani bixinayo.
Miyaad ila qabtaa fikirkan?
Waxa aan shaki ku jirin in siyaasiga, qoraaga iyo odayga ummadda u hadlaaba uu xilliba si u hadlo ammaba uu arrimo la xiiseeyo afka ka xidho. Laakiin taasi micnaheedu maaha in is beddel ku dhacay mabdi’iisii amma laaluush uu qaatay amma uu xilkiisa u baqay. Waxana nasiib darro ah in marar badan da’yarta inta yari u muuqataa ay markiiba ka didaan, qoraal, hadal amma ficil ujeeddo leh oo siyaasi amma oday dhaqameed madal ka yidhi…..markiibana qalinka kula boodaan iyaga oo aflagaadaynaya shakhsiyaad iyaga u dagaallamaya ama hadh iyo habeen dantooda u habeen dhaxaya. Marka ay dhallintii sidaa yeelaan ayey wax ma garad kalena ay markiiba shaashadaha ka soo caytamaan, iyaga oo ay ujeeddadiidu tahay HALLAGU HADAL HAYO AMA DHALLIN YARADA SUMCAD KU DHEX YEELO iyo wax la mid ah.
Waa arrin ay saxaafaddu caadaysatay in ay sida badan iib geyso wararka xasaasiga ah, dadkuna ay mar walba raadiyaan wararka taban. Halka aan laba xiisayn wararka barwaaqada sheega. Tusaale ahaan haddii mashruuc meel laga fulanayo, oo mashruucaasi uu ka yimid dawladda, waxa dadka qaar soo bandhigaan dhinaca dhalliisha ah oo 20% ah, laakiin 80% wanaagga ah waxba lagama sheego.
Dhinaca kale waxa run ah in Somaliland ay ka jirto dhalliilo caddaaladeed, musqmaasuq iyo qaraabokiil, balse waxan arkaa in marba marka ka danbaysa ay ka soo raynayso. Tusaale ahaan shalay waxa aan ogayn in dawladdii Siilaanyo caan ku ahayd boobka xoolaha ummadda amma hantida ummadda oo aan la xafidin. Halka maanta Muse Bixi uu ku tallaabsaday in uu xakameeyo musuq maasuqii amma uu khasnadihii iyo hantidii la boobayey uu qufulo. Tallaabada noocaasi ah oo noqon doonta mid taariikhda u gasha oo lagu xasuusan doono. Waa haddii uu sidaa ku wado.
Akhirtow miyaanad yax yixin marka la caayayo aqoon yahankii, qoraagii, siyaasigii amma odaygii beesha oo dhammaantoodba u eedaysnaa dantaada amma wakhtigoodiiba ku seegay dantaada. Xataa mararka qaar dadka da’da yar amma wax-ma garatadu dib uma eegaan culayska shakhsigooda mudanka ahi leeyahay, hadal maalin uu si ula jeeday ayeyna HARAGGA KAGA SIIBAAN.
Dhaqanka noocaasi ahi waxa uu ku badan yahay dadka dega gobollada Somaliland qaarkood, oo tabasho badan qaba, hormoodkoodiina usha dabka u geliyey. Tusaale ahaan aniga oo aan shakhi gaar u tilmaamayn, waxa aad google ka ugu tegeysaa iyada oo haldoorka maanta nool aan waxba loola hadhayn. Kuwa sidaasi yeelayaana waa da’ yar iyo wax-ma-garad aan arrinkoodu meel gaadhayn, hadh iyo habeenna af-lagaado iyo cay ka afuufa social media-ha ama shabakadaha qaar ay ku shaqaystaan.
Ka saxaafad ahaan ( Awdalpress ), waxa noo sharci ah in aan ka taxaddirro amma aannaan plateform siinnin kuwa caytama ee isku daya in ay af-lagaadeeyaan aqoon yahan, siyaasi amma hoggaan dhaqameed, iyaga oo sumcaddiisa dhulka dhigaya. Sidaasi daraaddeed, waxa aan saxaafadaha kale ee xumaanta iyo kala fogeynta ummadda caadaystay kula talinaynaa in ay iyaguna arrimaha noocaasi ah ka fogaadaan.
Haddaba waa yaabe, marka hal door kasta oo ummadda u hadla amma u hadli lahaa uu la kulmo taageero la’aan amma la xag xagto ee uu isna niyad jabo, ayaa ummaddii u hadli, oo golayaasha Somaliland kaaga dhex raadin dantaada? Miyeyna dadka aan la hadlayaa ka xishoonayn in ay caayaan amma xumaan suuqa u mariyaan…… AQOON YAHANKII DADKIISA WAX TARAY, DOKTOORKII DANTIISA KA DOORBIDAY DANTA UMMADDIISA, SIYAASIGA SHAWLADDA UGU JIRA UMMADDIISA IYO ODAYGA DANTA GUUD UUN U XAYDAN.
Gaba gabo
Wiil carab ahaa oo adhi jiri jiray ayaa maalin walba been sheegi jiray oo odhan jiray WAA WAREEY…XOOLIHII WARAABAA CUNAYA….marka la soo gurmado ayuu ku yidhaa waa been…..caado ayey u noqotay in uu marar badan sidaa sameeyo. Kadib maalin ayey run noqotay oo waraabihii xoolihii soo weeraray. Laakiin ayaa ka qoraya? Sidaasi oo kale waxa wada da’yar badan oo qayladii ka dhammaatay, balse immiga xaalkoodu gabaabsi yahay, oo marka la maqlo isaga amma iyada oo leh WAA WAREEY….Lagu qoslo
Ahmedweli Goth





