Awdalpress – London – Khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku shareeray, kadib markii ay dawladda Kenya maalitii shalay oo Sabti ahayd u yeedhay danjiraheeda u fadhiya Soomaaliya, iyada oo sidoo kale safiirka Soomaaliya ee Kenya ku amartay inuu dalkeeda ka baxo. Sababta falkaasina u sibir saartay muranka lahaanshaha meelo ka mid ah xadka dhinaca badda ee u dhaxeeya labada waddan. Dacwad ayaana labada dhinac isla hor tegeen maxkamadda caalamka ee The Hage.
Haddaba dowladda Kenya ayaa shalay oo Sabti ahayd u yeedhay danjiraheeda u fadhiya Soomaaliya, iyada oo sidoo kale safiirka Soomaaliya ee Kenya ku amartay inuu dalkeeda ka baxo.
Sababta ay tallaabadan u cuskatay ayaa ah eedayn ay Soomaaliya ugu jeedisay inay gadayso saliidda ku jirta dhul ay Kenya ku leedahay badaha ay Somalia ku baayacayso London.
Murankan xuduudda badda ah ee ay Kenya sannadahan bilowday ayaa u eg mid ay kaga faa’iidaysanayso bur burka dawladeed iyo dal ee ay 30 sano-ba Somalia la daalaa dhacayso. Iyada oo aan weligeed hore u sheegan in aanay Somalia dhul badeed ka qaadan Kenya. Laakiin dawladdii Xasan Sheekh ayaa bilowday in ay difaac ka gasho damaca Kenya ee badda Somalia. Xukuumadda Farmaajo iyo Khayrena waxa ay si cad ugu sheegeen mas’uuliyiinta Kenya in aanay dhulkoodu gor-gortan iyo muran geli karin.
Waddammo reer galbeed ah ayaa ka biyo diiday khilaafka ay Kenya ka hurinayso mandiqadda, waxana si cad ay ugu digeen in ay joojiso oo ay faraha kala baxdo muranka badda ah ee kiiskiisu hor yaallo Maxkamadda ICJ.
Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, oo magaceeda loo soo gaabiyo ICJ ayuu kiiskani arrintaa ku saabsani hor yaallaa, taasoo la filayo iney go’aan kama dambeys ah kasoo saarto cidda sida saxda ah u leh dhul biyood kaas.
Laakiin dadka u dhuun daloola xaaladdani ayaa marar badan sheegay in aanay Kenya rajo sidaas u sii weyn ka qabin iney guul ka soo hoyso kiiskaas, iyadoo taas baddalkeedana u xusul duubeysa sidii wada xaajood hoose ay labada dowladood si xaal mas-tuur ah ugu dhammaysan lahaayeen, sidii awal horeba dhacday in ay mas’uuliyiin Somali matalaysey ay u sexeexeen.
Go’aankii ay garsooreyaasha maxkamadda ICJ ku aqbaleen dacwadda Soomaaliya
Kiiska maxkamadda ICJ ka hor, Kenya waxay ku doodeysay in dhul badeedkaas ay Somaliya heshiis kala saxiixatay hannaanka xallinta muranka badda.
Balse Soomaaliya oo arrintaas ka biya diidday ayaa go’aansatay in ay xaajada hor geyso maxkamadda ICJ ee Qaramada Midoobay.
Kenya ayaa dhankeeda maxkamadda u gudbisay kiis ay uga soo horjeeddo in ICJ ay furto dhageysiga dacwadda.
Hase yeeshee, bishii Febraayo ee sannadkii 2017-kii ayey Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.
Maxkamadda oo la safatay Soomaaliya waxay meesha ka saartay doodda Kenya ee ah in labada dal ay muranka ku xalliyaan heshiiskii ay horey u wada saxiixdeen.
Maxaa sababay carada Kenya?
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay Muqdisho, ka dib markii ay dowladda Kenya amar ku siisay inuu xafiiskiisa albaabada u laabo isla markaana faarujiyo Kenya.
waxaa lagu soo warramayaa in shirar ku saabsan arrintan ay maanta oo Axad ah ka socdaan madaxtooyada Soomaaliya.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa BBC-da u sheegay in go’aankan kahor, Kenya ay dowladda Soomaaliya u dirtay warqad ay uga dalbanaeyso in raaligelin ay ka bixiso arrinkaasi beecinta shidaalka ah, dibna ug laabato.
Hase yeeshee, dowladda Soomaaliya ay ka gaabsatay inay ka jawaabto walaaca Kenya ay qabto.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Macharia Kamau ayaa sheegay in aanay Kenya marnaba iska indha tiri doonin arrinkan.
“Xadgudubkan aan wax loo dhiga lahayn ee sida sharci darrada lagu xoogayo hantida dadka reer Kenya, maaha mid laga aammusi karo, wuxuuna u dhigmaa fal cadawtinimo oo ka dhan ah dadka reer Kenya iyo hantidooda”.
Kamau ayaa sidoo kale hadalkiisa raaciyey in loo baahan yahay in arrintan si wadajir ah looga hortago.
“Xaraashkan gardarrada ahi waxa uu u qalmaa in laga hortago, dadka reer Kenya si wada jir ah ayay uga hor-imaan doonaan, waxa sidaas si la mid ah uga hor-imaan doono dadka samaha jecel oo dhan ee aaminsan ilaalinta sharciyada caalamiga ah, iyo in si nabadgelyo ah oo xeerarka waafaqsan lagu xalliyo murannadaa,”. Sidaa waxaa war qoraal ah ku sheegay xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Kamau.




