Awdalpress – London -Xarunta warqabadka ee BBC London ayaa xaqiijisay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, kaasi oo lagaga hadlay khilaafka xarka goostay ee diblomaasiyadda Kenya iyo Soomaaliya.
Warqaddan oo loogu jawaabayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si toos ah u sharraxday Kenya waxyaabaha ay walaaca ka qabtay, ka dib markii 8-dii bishan Febraayo ay xukuumadda Nairobi warqad u dirtay dhiggeeda Muqdisho.
Dawladda Kenya ayaa dib u joogsatay markii maanta la joojiyey daroogadii qaadka ee Somalia lagu cuni jiray, Kenyana ay lacagta badani ka soo geli jirtay. Sidaasi daraaddeed, ayaa la sheegayaa in ay dawladda Kenya dib u sax ku samaynayso khaladkii ay ku jirtay xidhiidhka dublamaasiyadeed ee labada dal.
Nuqul ka mid ah warqadda maanta ka soo baxday xukuumadda Soomaaliya ee ku wajahneyd Kenya oo soo gaadhay BBC-da ayaa waxa ku xusan dhammaan jawaabaha la xidhiidha arrimaha ugu dambeeyay ee soo cusbooneysiiyay khilaafka diblomaasiyadeed ee labada waddan.
Qoraalka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ee jawaabta lagu siinayo Kenya ayaa lagu yidhi: “Wasaaraddu waxay si asluubeysan sharraxaad u siineysaa wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Kenya, waxayna uga jawaabeysaa warqad ku wakhtiyeysneyd 8-dii Febraayo, 2019-ka, taasoo Kenya ay uga dhiidhineysay khariidadda dhul badeedka ay Soomaaliya soo calaameysatay ee ay shidaalka ku jira ku suug geysay shirkii London ka dhacay 7-dii bishan Febraayo”.
“Waxaan ka war qabnaa in Kenya ay “sharci darro” u aqoonsatay meelaha ay Soomaaliya ka calaameysatay dhul biyoodka, ayna sheegtay in dhulkii lagu muransanaa saliiddiisa la beecinayo. Guud ahaan dhulka hadda shidaalkiisa la beec geeyay waa mid ka tirsan biyaha ay sida saxda ah u leedahay Soomaaliya, dowladduna waxay xaq u leedahay iney difaacdo madax bannaanideeda iyo dhulkeeda. Intaas waxaa sii dheer in dowladda Soomaaliya aysan marna iib geyneynin qorshahana ugu jirin dhul ka mid ah xadka lagu muransanyahay, ilaa inta ay go’aan cad kasoo saareyso maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, taasoo uu hor yaallo kiis ku saabsan arrinta”.
Dhanka kale qoraalkan ayaa looga hadlay dhawaaqii eedeynta ahaa ee kasoo yeeray Kenya iyo tallaabadii ay dowladda Kenya ku dalbatay inuu safiirkeeda Soomaaliya fadhiyay soo laabto, danjirihii Soomaaliya ee Nairobi ku sugnaana loo diro Muqdisho.
“Dowladda Soomaaliya waxay ka qoomameyneysaa hadalkii kasoo baxay dowladda Kenya ee ku saabsanaa eedeynta ah “in Soomaaliya ay iib geysay saliid ku jirta dhul ay Kenya leedahay”. Soomaaliya waxay sidoo kale ka qoomameyneysaa go’aankii ay Kenya ku dalbatay inuu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya, iyadoo aan wax wadatashi ah la yeelanin dowladda Soomaaliya”.
Gellinkii dambe ee shalay oo Sabti ahayd ayey Dowladda Kenya muujisay cadhadeeda ku aaddan Suuq geynta shidaalka ee dalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in saliidda la iib geynayo lagu daray mid ku jirta dhul ay Kenya leedahay, walow ay Soomaaliya hadda eedeyntaas gaashaanka u daruurtay.
Awdalpress







