Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Haween weynaha magaalada Leicester UK ee ka soo jeeda gobollada galbeedka Somaliland, Harawe iyo Djabouti oo xaflad taageero isugu yimid. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Habeenkaasi Sabti waxa laga dhargey ciyaar dhaqameed, heeso, haasaawe, kaftan iyo is xog warsi. Sidoo kale waxa ay haweenku si kalgacalo leh ku wadaageen WALIIMO amma cunto xafladeed aad iyo aad u macaanayd. Xafladdani ayaa isna waxa ay haweenka Leicester ku casuumeen Ahmedweli Sh. Omer Goth oo ay wada tashi wada yeesheen isla markaasina madashaasi quruxda badan hadal ka jeediyey. Ujeeddada xafladduna waxa ay khaas u ahayd taageerada midnimda Ugaas Abdirashid ku dhawaaqay iyo hoggaankooda ul diirkeed noqday. Qaban qaabiyayaasha xaftadana waxa ka mid ahaa Casha Aw Saleebaan iyo Safiya Cali Kiriir oo si weyn u daadihinayey hawsha xafladda. 

 

Midnimadu waxa ay la xoog tahay BUURTA SAW ee idiin muuqata ( Waa halku-dhagga xafladda )

 

 

Xafladdiina sidan ayey u dhacday ee ku soo dhawaada:

 

 

 

Magaalada Leicester ee ku taalla dalka Ingiriiska waxa habeennimadii Sabtidii ka qabsoontay xaflad aad u qurux badan oo si farshaxamaysan loo soo agaasimay, isla markaana ay ku dhammaayeen inta ugu miisaan culus haween weynaha gobolkaasi amma magaaladaasi iyo marti kale oo uga timid gobolka Bedfordshire.

 

Habeenkaasi Sabti waxa laga dhargey ciyaar, haasaawe, kaftan iyo is xog warsi. Sidoo kale waxa ay haweenku is jacayl ku wadaageen WALIIMO amma cunto xafladeed aad iyo aad u macaanayd.

 

Xafladdaasi oo la isku weydaarsaday is warsi ku saabsan halka ay marayso siyaasadda mandiqadda geeska Afrika iyo saamaynta ay ku leedahay degaannada gobollada galbeedka Somaliland, degaanka Somalida ee Ethopia iyo Djabouti ayaa waxa ka soo baxay is faham iyo taageero ay marka hore u fidinayaan hoggaanka guud ee qawmiyaddu ay ka soo jeedaan ee Gadabuursi, oo uu ugu sarreeyo Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi.

 

Gaba gabadiina, waxa kulankaasi taageerada ah ay haweenkii isku dhaafsadeen qudbado iyo farriimo ay u gudbinayaan shacabkooda ku nool daafaha dunida.

 

Qaban qaabiyayaasha xaftadana waxa ka mid ahaayeen Casha Aw Saleebaan iyo Safiya Cali Kiriir oo si weyn u daadihinayey hawsha xafladda.

 

Xafladdani ayaa isna waxa ay haweenka Leicester ku casuumeen Ahmedweli Sh. Omer Goth oo ay wada tashi iyo in uu ka hadloba ugu marti qaadeen.

 

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images