Awdalpress – London – Warar naga soo gaadhaya Addis Ababa ayaa sheegaya in dhawaan la billaabi doono dhismaha waddo Train oo iksu xidhi doonta Somaliland iyo Ethopia.
Marka laga hadlayo dhaqaale kobcin iyo is dhex gal dhab ah, waxa saldhig amma tiir u ah in la horumariyo kaabayaasha ama afka Ingisiisiga loogu yeedho ( infrastructure ). Sidaasi daraaddeed, isbeddelka ka curtay Ethopia maaha uun mid ku salaysan siyaasad fur furan iyo maamul caddaali ah. Laakiin waxa ku jira sidii loo horumarin lahaa wada noolaashaha ummadda geeska, ee isku xidhnaantooda iyo gacma is dhaafsigoodu u noqon lahaa mid kobciya dhaqaalaha iyo ammaanka mandiqadda.
Haddaba socdaalkii uu Madaxweynaha Somaliland usbuucan ku tegey dalka Ethopia ayaa lagu soo qaaday sidii loo xoojin lahaa is dhex galka dhaqan dhaqaale iyo sidii loo horumin lahaa dhinacayda kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka, dekedaha iyo tamarta.
Awdalpress






