Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dugsi hoose dhexe oo loo magac daray Sh. Hassan Taani oo laga dhisay degaanka Qabari-Dhaaweed ee duleedka Dilla

$
0
0

Awdalpress – London – Qoyska reer Sh. Hassan Tani oo uu hormood u yahay Xaaji Mohamed Sh. Hassan Tani ayaa dugsi casri ah ka dhisay Qabri-Dhaaweed oo ku taalla duleedka magaalada Dilla. Qoyska reer Sh. Hassan Taani waxa wehelinayey oo si maamuus leh xadhiga uga jaray wasiirka Waxbarashada Somaliland iyo raxan isugu jirta wasiirro, maareeyayaal iyo mas’uuliyiin kale.

Dugsigan oo ka kooban afar class iyo xafiikii maamulka, isla markaana lagu wareejiyey dayr aad u weyn ayaa maalintii shalay loo sameeyey xafladdii furitaanka dugsigaasi, oo loogu magac daray Sheekh Hassan Tani.

Dugsigan Sh. Hassan Tani ahaa ayaa waxa xilligan ku jira arday ka badan 100 arday. Sannaddada soo socdana waxa la filayaa in ay ardayda dugsigu gaadhi doonto illaa iyo 400 oo arday.

 

 

Degaanka Qabri-Dhaaweed iyo degaannada ku xeeran ayaa ah goobo ay dadku is dul tuulan yihiin, da’yarta wax ka baran doontaana ay fursad weyn ka heli doonaan. Halkii ay awal hore carruurtu aanay awoodi kari jirin in ay subaxdii u lugeeyaan dugsiyada kale ee agagaarkooda ah sida, dugsiyada ku yaalla Dilla, Duudweyne, Waxara-waalislay iyo Muse Xasan. Oo dhammaantoodba ka tirsan degmada Dilla.

Awdalrpess


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images