Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

SHIISHKA MAANTU HALKA UU SAARAN YAHAY: Socdaalka Madaxweyne Muse Bihi ee Borama iyo shirka Kulmiye ee isla magaaladaa ka socda.

$
0
0

Madaxweyne Muse Bixi iyo Md/ Xigeenkiisa Zaylici maanta iyo shalayba waxa ay ku sugan yihiin Borama, waxana shacabka reer Awdal ku qaabileen soo dhaweyn kal iyo laab ah. Ujeeddada socdaalkooduna waa ka qayb galka shirka guud ee xisbiga Kulmiye oo la goglay magaalada Borama.

 

 

Usbuucii hore waxa hadal haynta ugu badani ay ahayd martiqaadkii uu RW Dr. Ahmed Abiy uu u fidayey Mdx Muse Bihi iyo wafdi uu hoggaamiyey ee socdaalka ku tegey Addis Ababa. Kulammadii ay wada qaateen madaxda Ethopia iyo Madaxda Somaliland, ayaa ahaa kuwo intooda badan aan saxaafadda lagaga hadal. Balse dadka siyaasadda faalleeyaa u falanqeeyeen siyaabo kala geddisan.

 

Dadka inta badan u xusul duuba taageerada Somaliland ee qayral caadiga ah, ayaa iyagu markiiba suuqyada siyaasadda soo dhigay in socdaalkaa Mdx Muse Bihi iyo wafdiga uu hoggaaminayey uu ku tegey Ethopia ay ahayd mid togan ( Positive ), isla markaana dhabar jab ku ah maamulka Federaalka Somalia oo loo arkayey mid iyagu albaabada u laabay xidhiidhkii siyaasadda Arrimaha Dibadda ee maamul goboleedyada Somalia iyo xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Mdx Muse.

 

 

Laakiin dhinaca kale waxa socdaalkaasi madaxda Somaliland ay ku tegeen Addis Ababa walaac ka muujiyey kooxaha naqdiya xukuumadda Somaliland iyo suxufiyiinta muraayadaha waaweyn u gashata sidii ay xog intaa ka badan oo rasmi ah u heli lahaayeen. Waxana ay markiiba toosh ku iftiimiyeen meelo lagu qoray MAAMULKA SOMALILAND oo ay u arkeen in maqaamkii Jamhuuriyadda Somaliland ay mudnayd in loogu yeedhaa ay meesha ka baxday. Sidoo kale waxa suuqa la soo geliyey in Mdx. Muse Bihi la oggoleysiiyey in uu la shaqeeyo Mdx Farmaajo xukuumaddiisa.

 

Isku soo wada duuboo, markii uu wafdigii Muse Bixi soo guryo noqday, waxa warbixin kooban saxaafadda siiyey wasiirkiisa gudaha mudane Kaahin. Mdx Bihi-na kama hadal oo waxba saxaafadda uma soo bandhigin. Taasina waxa ay qolyooyinka mucaaridka siisay fursad ay markrafoonkooda ka sheegaan, in mar haddii Mdx Muse ka hadli waayey socdaalkiisii ay macnuhu tahay NIYAD JAB lagala soo guryo noqday Addis Ababa.

 

Laakiin waxa sheekadii runta ahayd oo qayb ahi bannaanka timid markii uu Mdx. Muse sida waafiga uu uga warramay safarkaa ay Addis Ababa ku tegeen, mar uu ka hadlay fagaarahii weynaa ee reer Borame ku soo dhaweeyeen.

 

Warkaasi muhiimka ah ee uu Mdx. Muse ka sheegi waayey Hargeysa ee uu la sugay inta uu Borama tegeyo ayaa dadka reer Borama dareensiisay culayska siyaasadeed ee Borama ku leedahay Somaliland.

 

 

 

Hadalka uu Suldaan Saleebaan ka jeediyey madashii soo dhaweynta ayaa dad badani farta ku fiiqayaan.

 

 

 

Shirka Kulmiye ee Borama

 

Sida dadka xog ogaalka ahi ka soo warinayaan magaalada Borame ee gobolka Awdal, waxa immiga socda shirkii 6aad ee xisbiga Kulmiye qabsado. Waxana madasha shirka ka muuqda rag iyo dumar isaga kala yimid gobollada dalka, oo dhammaantooda ka mid ah xubnaha golaha dhexe iyo hawl wadeennada xisbiga Kulmiye. Sidoo kale waxa ku dhan siyaasiyiin hankoodu yahay in ay u tartamaan hoggaanka xisbiga oo in badani ay hore ula soo shaqeeyaan xukuumadihii hore ee Somaliland. Inkasta oo oo ay jiraan in hal door kale oo hore xisbiga ula soo halgamay oo maqan madashan.

 

Dhicnaca beesha caalamka waxa iyagana lagu casuumay dulmaasiyiin uu ka mid yahay Safiirka Ethopia u fadhiya Hargeysa ee lagu magacaabo Dr. Shamsu-diin.

 

 

 

 

 

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa goglan madal qurux badan, oo si fiican looga soo shaqeeyey. Dhinaca kale waxa magaalada Borame iyo guud ahaanba gobolka Awdal laga dareemayaa in ay wax weyni iska beddeleen shaxdii amma taageeradii hore uga muuqatay shacabka magaalada. Inkasta oo aan waxba laga beddelin awoodaha iyo mansabyada amma tirada golaha dhexe ee ka matilaya degaannada gobolka Awdal.

 

Suldaan Dhawal oo ka hadlay shirka Borama lagu qabtay oo salaadiinta reer barigu ka biyo diidday muxuu ka yidhi?

 

 

 

Ahmedweli Goth

Awdalpress

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images