Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Magaalada ugu mudan in caasimad loogu yeedho degellada Somaliyeed waa tee?

$
0
0

Image result for borama

Awdalpress – London – Magaalo ama caasimad marka qiimayn lagu sameeynayo, waxa ay noqotaa laba mid:

 

  1. Magaalo cabsi leh, oo ammaan xumo, dhaqan xumo, nolol xumo iyo caafimaad darri lagu tiriyo, isla markaana loogala cararo da’yarta soo koraysa.
  2. Iyo magaalo lagu tilmaansado wanaag badan oo ay ugu horreyso ammaan, dhaqan fiican, dad fiican iyo hawo caafimaad badan.

 

Nasiib darro Muqdisho waxa ay ahay wakhtiyo ahayd mid ay shacabka Somaliyeed ku hammiyaan in ay degaan amma jeclaystaan in a sidii xajka mar uun booqdaan. Shuruudaha caasimadeed ee wanaagga badanna way lahayn. Laakiin maanta waxa ay noqotay hoyga argaggaxa. cabsida, daroogada iyo caafimaad darrida.

 

Image result for Muqdisho

 

Hargeysi ka ay laalaadin, waxase cidhiidhi ku noqday biyihii oo ah tiirka ugu weyn ee nolosha, waxa quruxdeedii wax yeello ka soo gaadhay qashin, nidaam xumo iyo daroogada oo ku badan. Sidaasi awgeed waxa ay noqotay magaalo looga qaxo meelo kale.

 

Image result for hargeysa

Burco iyada qabyaalad iyo waji xumo badawnimo oo ay u muujiyaan ama takoor lagu hayo dadka yimaadda magaalada ayey caan ku noqotay, waxana qabyaaladda markhaati ka ah, sida ay magaaladu u qaybsan tahay ( Bari iyo Galbeed ). Dhinca kale magaaladu waxa ay ku taallaa dhul aad mooddo bacaad, oo gabadha subaxdii iyada oo qurux badan suuqa u soo baxadaa, waxa ay guriga ku noqotaa iyada oo siigo miidhan ah, oo illaa kubka boodh ku leh.

 

Related image

 

 

Boosaaso oo ah magaalo xeebeen taariikh facweyn leh ayaa iyaduna ka mid ah magaalooyinka burburkii dhulka Somaliyeed ka dib, sida weyn u dhisantay, waxana u dhan dhammaanba adeegyada bulshada. Inkasta oo ay biyo yaraan badani ka jidho. Ganacsi aan caadi ahaynina waa uu ka socdaa. Laakiin waa magaalo ay isku mid yihiin Hargeysa, oo qashinka iyo nadaafad xumidu ay hoy u noqotay. Basle guryo qurxooni ka dhisan yihiin. Sidaasi daraaddeed dad badani ay caafimaadkooda darteed uga cararaan.

 

Image result for boosaaso

Haddaba mar aan samaynay xog raadis ku saabsan magaalada ku habboon in ay noqon karto caasimadda degaannada Somalida, ayaa la isku raacay in magaalada Borama ee gobolka Awdal in ay ku habboon tahay caasimadda Somaliyeed ee sannadadan danbe. Iyada oo buuxisday shuruudaha caasimadnimo haddii ay tahay qurxda meesha ay ku taallo, iyada oo ku taallada degaanka ugu biyo badan Somaliland, ilbaxnimada dadkeedu ay leeyihiin iyo hawada caafimaadka badan ee ay leedahay.

 

Image result for borama

 

Qoraal arrintaa ku saabsanaa oo ay dad badani xiiseeyeen oo lagu qoray barta Facebook uu ku leeyahay Ahmedweli Goth, ayaa sidan u qorraa:

 

Borame waa caasimadda 1aad ee Somaliland ammaba Somalida. Sabab?

 

Borame waxa ay ku taallaa dhul biyo badan ( biyuhu waa tiirka 1aad ee nolosha ), hawa fiican leh, dooxooyin waaweyn iyo beera leh, xoola-dhaqato-beeraley ahi ay ku hareeraysan yihiin. Buurana ay ku gadaaman yihiin. Oo caanaheeda, hilibkeeda, masagadeeda, garawgeeda, qamadageeda, faasuuliyaheeda iyo digirteeda aanad afka ka qaadayn.

 

Waa magaalo hawadeedu caafimaad badan tahay, oo sida culimada Science-ku sheegeen ay Oxygen tu ku badan tahay. Sidaasi daraaddeedna dadka wadna xanuunka qaba iyo dadka dhiig-karta qabaa ay caafimaad badan ka helaan, marka ay hawada Borame soo galaan.

 

Sidoo kalena waxa ay caan ku tahay hurdada oo aan lagaba kicin. Dadka hurda la’aanta ka cawdaa marka ay hawada Borama soo galaan sariirtaba kama kacaan…
Waa yaab!, Waxa kale oo Borame ka mid tahay magaalooyinka dadka ku nooli ay ugu cimriga dheer yihiin.

 

Shacabka ku nooli waa dad ilbax ah, oo soo dhaweyn fiican, aan dadka qariibka ah takoorin, oggol in lala noolaado. Wax walbana NABADGEYADA ka jecel. Isla markaasina aad u neceb qabyaaladda iyo wax kasta oo dadka kala fogeeya. Sidaasi daraaddeed ayaad magaalada kula kulmaysaa Somali kala gobollo ah oo buux dhaafisay suuqyada.

Dhinaca akhlaaqda, waa magaalo aan laga jeclayn QAADKA iyo DAROOGOOYINKA kale ( dilaaga ugu weyn ee qofku waa kuwaasi ). Tusaale ahaan waxa maalintii soo gala Borame QAAD uu sido hal gaadhi oo yar iyo wax la mid ah, halka BURCO ama HARGEYSA ay soo galaan in ka badan 70 Gaadhi. Oo sida QAAD, KHAMRI, XASHIISHAD IWM. Borame ma laha DISKOOTEEK ay dhallinyarada ragga iyo dumarku ku caweeyaan, kamana caaggana in ay heesaha dhegeystaan. Hobby gooduna waa aqoonta oo ay ku tartamaan.

Borama waa meel aqooneed, hadday noqon lahayd dhinaca diinta ama tarbiyadda Islaamka iyo dugsiyada kaleba ( da’yartu marka ay dugsiyada ka yimaaddaan waxad arkaysaa iyaga oo galbihii kutub u sii sita Masaajidda iyo machadyada Diinta lagu barto, taasina waxa ay kor u sii qaadday aqoontooda luqadeed, diineed iyo akhlaaqdooda qofnimo ).

Magaalada waxa aad ka heleysaa dugsiyo tayadoodu aad u sarrayso oo illaa heer Jaamacadeed ah oo public iyo gaarka loo leeyahayba leh. Sidaasi awgeed ayaa da’yar aad u tiro badan oo Somaliyeed uga yimaaddaan degaannada Somalidu degto iyo daafaha dunida, gaar ahaan dalalka Maraykan, Canada, Ingiriis iyo Yurubta kale.

Dhinaca dhaqaalaha waa magaalada ugu maceeshad raqiisan dhulka Somalida oo dhan. Cunnada oo la isticmaalo oo u badan ta dhulka ka baxda ayaana malaha ugu wacan.

Borame waa magaalada ugu cunto macaan degellada Somalida. Dhaqanka wax wada cunkana caan ayey ku tahay, oo waxad arkaysaa guryo badan oo maalin kasta dad aad u badani ay u qado tegayaan. Cuntada lagu karinayana aad mooddo in casuumad loogu tala galay.

Isku soo wada duuboo, akhristow maxaa qoraalkan kaaga baxay……..?

Ahmedweli Goth

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images