Awdalpress – London – Dowladda Soomaaliya ayaa weli wax war ah aan ka soo saarin howlgal xalay ay ciidammada dawladdu billaabeen, oo illaa waqtigan ka soconaya waddada Maka Al-Mukarama oo xalay ay Ururka Al Shabaab ka geysteen weerar qaraxyo ku bilawday, weerarkaasi oo lagu qaaday Hotel ku yaalla jidkaasi.
Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa galay Guri ay dad rayid ah degan yihiin oo u dhow Hotelka Maka Al-Mukarama,kuwaas oo saacado badan ka dagaalamayay,waxaana jira dadaalo ay ciidamada dowladda ku doonayaan inay kusoo afjaraan weerarkaas.
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, siyaasiyiin iyo xildhibaanno ayaa cambaareeyay weerarka kuwaa oo baaq u diray Ururka Al-shabaab.
Marka laga soo tago khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu geystay qaraxaas ayaa hadana waxaa jira burbur hantiyadeed,sida goobo ganacsi oo ku yaalla halka qaraxa uu ka dhacay iyo gaadiid farabadan oo goobta yaallay.
Saraakiisha hay’addaha Amaanka ayaa sheegay in tiro ka badan 25 ruux oo rayid ah ku dhinteen qaraxyadii iyo weerarradii xalay ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama, waxana goobaha caafimaadka la geeyay ku dhawaad 60 ruux.
Hotelka Maka Al-Mukarama ee xalay la weeraray ayaa waxaa degan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waana mid ka mid ah hoteellada sida weyn amaankooda loo ilaaliyo.
Awdalpress




