Qorshaha tira koobka shacabka Ethopia ayaa la qabtaa 10 kii sanaba hal mar. Qaabka loo tiro koobo shacabka magaalooyinka iyo baadiyaha ama reer-guuraagana laba ayaa loo kala saaraa. Muddada ka horreysa tiro koobkana waxa hay’adda samaysa tira koobkoobku degaannada ku sameeyaan sahan iyo qiyaaso cilmiyeysan. Si loo helo tiro koob sax ah oo lagu saleeyo qorshayaasha adeegga bulshada iyo doorashooyinka.
Haddaba, sannadkii 2007 ka oo ugu danbeysey tiro koob laga samaayo Ethopia . Ayaa degmada Aw Barre iyo degaannadii ay xukumaysey noqdeen 340 000, halka dhawr gobolka Dhaxbuur, Fiiq, Wardheer iyo kuwo kale oo ku yaallaa badhtamaha Ogaadeeniya oo tiro koobkii u danbeeyey noqday in ka yar 200 000.
Natiijadii sidaasi noqotay ayaa waxa ay ka cadhaysiisay xukuumaddii Abdi Ilay oo u dhashay gobolladaasi. In gobollo dhawr ah ay degma Aw Barre ka dad badato ayaa noqotay mid la qaadan waayo. Waxana ay xukuumaddii Abdi Ilay qaadday tallaabo ay kaga hor tageyso in aanu gobolka Harawe mar danbe uga dad badan degaannada Ogaadeeniya, sidaasi daraaddeed hoos dhigo tiro koobka soo socda. Si ay taasi u suurta geliyaanna, waxa qorshihii sahanka oo hor dhac u ah tiro koobaka la qorsheeyey in degmada Aw Barre iyo degaannada ay xukunto ama degmada Shinniile la yareeyo qaybaha magaalooyinka amma dhulka degaannada ah, halka magaalooyin iyo tuulooyin badan, oo tiro koobkii hore aan reer – guuraa lagu tirin, lagu daray qaybta reer-guuraaga. Kadibna, la yareeyo dadka ka hawl galaya tira koobka degaannada Aw Barre.
Arrinta noocaasi ahi markii ay soo if baxday, waxa guud ahaan gobolka Harawe oo dhan laga dhigay dibad bax iyo kacdoon lagaga soo hor jeedo mashruucan sida qaldan loo majaro habaabiyey. Kadibna odayada iyo wax garadka gobolka Harawe oo uu hoggaaminayo Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi, ayaa dacwad ka gudbiyey khaladka lagu samaynayo tira koobka dhinaca gobolka Harawe. Dawladda Ethopia na waxa ay garawsatay in ay khaladkaasi saxdo, 12 bilood ayaana tira koobkii dib loo dhigay.
La soco arrimaha gobollada Somali State in Ethopia, gaar ahaan gobolka Harawe.




