Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trump oo xaqiijiyay dilka wiil uu dhalay Bin Ladin

$
0
0

Mandatory Credit: Photo by Evan Vucci/AP/Shutterstock (10358411r)
President Donald Trump talks to reporters on the South Lawn of the White House, in Washington, as he prepares to leave Washington for his annual August holiday at his New Jersey golf club
Trump, Washington, USA – 09 Aug 2019

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta xaqiijiyay dilka Hamza Bin Laden oo ahaa wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Al Qacida, Osama bin Laden.

Bayaan uu Sabtida maanta ah kasoo saaray xafiiskiisa Aqalka Cad ayuu Trump ku sheegay, in Hamza Bin Laden lagu dilay howlgal ka dhan aha argagixisada oo laga fuliyay xadka u dhaxeeya Afghanistan iyo Pakistan.

Wuxuu sheegay in dhimashada Hamza aysan kaliyah dhaawac dhanka hogaanka ah ku aheyn Al Qacida, balse ay wiiqi doonto howlgallada iyo dhaqdhaqaaqyada muhiimka ah ee kooxda.

Warbaahinta Mareykanka ayaa horraantii bishi August sheegtay, in ay ilo wareedyo xaga mukhaabaraadka ah u sheegeen dilka ina Bin Laden. Xiligaas waxay warbaahintu sheegtay in ay ogaadeen in Xamza la dilay inti lagu guda jiray labadi sano ee lasoo dhaafay, laguna khaarijiyay howlgal uu Mareykanka ku lug lahaa.

Xamza ayaa ahaa canuga 15-aad ee 20-ka carruur ee uu ka tagay Osama Bin Laden. Waxaa dhashay xaaska saddexaad ee Osama, waxana sida la sheegay uu ku jiray da’da soddomeeyada. Waxaana lagu tirinayay inuu ahaa hogaamiye soo baxay oo yeelatay Al Qaacida.

Inta uusan dhiman waxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, madaxiisa saartay hal milyan oo dollar cidii soo sheegta goobta uu ku suganyahay.
VOA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images