Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Mugabe M/waynihii Hore ee Zimbabwe oo maanta la Aasayo

$
0
0

Madaxweynihi hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Harare ee caasimadda dalkaasi.

Tobneeyo madaxweyne oo African ah iyo kuwo horay xilal uga soo qabtay Africa ayaa hadda ku sugan garoonka kubadda cagta ee caasimadda Harare, halkaas oo ay ka socoto munaasabadda tacsida Mugabe.

Madaxdda tagtay Harare ayaa waxaa ka mida ha madaxweynaha South Africa Cyril Ramaphosa, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, hogaamiyaha Equatorial Guinea Theodore Obiang Nguema iyo madax kale.

Mugabe, oo todobaadki hore ku geeriyooday dalka Singapore isaga oo da’diisuna aheyd 95 sano ayay dadka reer Zimbabwe ku xasuusan doonaan halgankiisii gobanimada doonka iyo soo afjaradii taliskii cadaanka tirada yaraa ee Zimbabwe.

Waxaa kale oo ay ku xasuusan doonaan qaabki ay dowladihiisa u soo maamushay dhaqaalaha liitay ee Zimbabwe muddadi 37-di sano ee uu dalkaasi soo maamulay.

Milatariga ayaa xakunka xoog uga qaaday sanadki 2017-ki, kaddib marki ay isku dhaceen madaxweyne ku xigeenkiisii Mnangagwa, kaasoo hadda ah madaxweynaha Zimbabwe.
VOA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images