Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dhibbanayaasha roobab ka da’ay Awdal oo laga dayrinayo iyo Guddi qiimeeyay saameynta roobkii ka da’ay Togdheer

$
0
0

Awdalpress(Borama) 27 Nov, 13–Maamulka degmada Baki ee gobolka Awdal ayaa ka deyriyay xaaladda ay ku sugan yihiin dadkii ay waxyeellada ka soo gaartay roobabkii dhowaan ka da’ay gobolka.

Guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Baki Maxamed Aw-Axmed Caateeye oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay roobabkii dhowaan ka da’ay degmada Baki iyo deegaannada ku xeeran in aysan ilaa iyo hadda helin wax gargaar ah.

Guddoomiyaha ayaa intaas raaciyay in dadkaas ay ku hoy la’ yihiin deegaanka Cali Xeydh oo ka tirsan degmada Baki ee gobolka Awdal isla markaana ay ku jiraan dadka dhibaateysan dugsiyada waxbarashada ee deegaanka.

Wuxuu ka codsaday maamulka Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah in gargaar la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan degmada Baki.

Roobab ka da’ay deegaanno tirsan degmada Baki ee gobolka Awdal ayaa waxaa ku dumay guryo aqallo ka sameysan, waxaana roobabka ay saameyn ku yeesheen nolosha dadweynaha ku dhaqan degmadaas.

Guddi qiimeeyay saameynta roobkii ka da’ay Togdheer

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdullaahi oo kulan la yeeshay hay’adaha ka howgala gobolka ayaa warbixin ka dhageystay xubno loo igmaday in ay qiimeyn ku soo sameeyaan dhibaatadii ka dhalatay roobkii dhowaan ka da’ay gobolka.

Cabdi Ducaale oo ka mid ah guddigii qiimeynta sameynayay ayaa sheegay in ay tageen 9 tuulo oo ku yaalla Togdheer, kuwaasoo uu roobku saameeyay.

Wuxuu sheegay in roobka ay ku dhinteen xoolo badan ayna ku dumeen guryo badan, sidoo kalena uu saameeyay agabkii yaallay xarumaha waxbrashada qaarkood.

Cunno, hooy iyo daryeel caafimaad ayuu ku sheegay waxyaabaha ugu daran ee ay dadku u baahan yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer ayaa uga mahadceliyay guddiga shaqadii uu qabtay. Wuxuu xaqiijiyay inuu socdo gurmad loo sameynayo dadkii ay dhibaatada gaartay.

RBK

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images