Awdalpress(Muqdisho) 27 Nov, 13–Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ahna raysul wasaare ku xigeenka dalka, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ku eedeysay kooxda Al-Shabaab inay geysato gabood-fallada ugu daran ee ka dhanka xuquuqda bini’aadamka Soomaaliya.
Iyadoo ka hadlaysay shir ku saabsan horumarinta Midowga Yurub iyo taageeridda dowladaha kaalmada u baahan oo ka socda magaalada Brussels ee dalka Belguim, Fowsiya ayaa sheegtay in loo baahan yahay in loo midoobo sidii loo burburin lahaa kooxda Al-Shabaab.
“Rabshadaha ay kooxda waddo, dhaqankeeda ku aaddan haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay, is-hor-taagga gargaarka bini’aadannimada iyo xiritaanka iskuullada iyo xarumaha caafimaadka ee ku yaalla goobaha ay ka taliso ayaa caddayn u ah in loo baahan yahay in go’aan midaysan oo caalami ah laga gaaro sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab,” ayay tiri Fowsiya Yuusuf.
Waxay sheegtay in xukuumadda ay ka tirsan tahay ay xoogga saareyso sidii loo horumarin lahaa xaaladda xuquuqda bini’aadamka ee Soomaaliya.
RBK




