Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shirkadaha duulimaadka ayaa u sheegey dadkaas inay isticmaali karaan Baasaboorka Cagaaran marka ay u safrayaan Berbera iyo Hargeysa, dowladduna way la xisaabtami .. Gen.Gaafaw

$
0
0

Soomaali-noqonaysaAwdalpress(Muqdisho) 27 Nov, 13–Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay ku dhawaad 20 ruux oo lagu eedeyey in ay adeegsanayeen baasabooro been abuur ah.

Jeneraal C/laahi Gaafoow Maxamuud ayaa maanta soo bandhigay 20 qof oo si sharci darro ah ku doonayay in ay ku dhoofaan baasaboorka been abuur ah kadib markii dowladdu ay kalhore macnuucay isticmaalka baasa boor aan ahayn kan cusub ee E-Passport.

Janaraalka ayaa sheegay in dadka qaarkii ay wateen baasa boorkii cagaarnaa oo ay dowladdu horey u mamnuucday, kuwaasi oo ku sii jeeday magaalooyinka Ber bera iyo Hargeysa ee Waqooyi galbeed ee dalka, iyagoo xusay in shirkadaha qaar ay ku qasbeen isticmaalka baasa boorada nuucaasi oo kale ah,

“Dadka aan qabanay waxa ay wateen baasobooro been abuur ah, qaarkood waxa ay noo sheegeen in shirkadaha duulimaadka ay u sheegen in ay isticmaali karaan baasa boorka cagaaran marka ay u safrayaan Ber bera iyo Hargeysa, dowladduna way la xisaabtami doonto shirkadaha ku kacaya falalka nuucaasi oo kale ah” ayuu Jeneraal Gaafoow hadalkiisa ku daray.

Qaar ka mid ah dadka baasaboorada been abuurka ah lagu qabtay ayaa sheegay in shirkadaha duulimaadka ay u jareen waraaqo “Go home” ah iyaguna aysan ka war qabin isticmalka baasboorada nuucaasi ah.

Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images