Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Hargaysa: Wasiirka Arimaha gudaha ee dalka Djibouti oo soo Gaadhay

$
0
0

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha gudaha Djibouti Muumin Axmed Sheekh, ayaa shalay socdaal ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka gaashaandhiga Cabdiqani Caateeye. Ma jiro wax war ah oo uu wasiirka reer Djibouti siiyay saxaafadda oo la xidhiidha socdaalkiisa, laakiin wasiirka isgaadhsiinta Djibouti Ridwaan Cabdillaahi ayaa BBC-da u sheegay in wasiirku u sucdo arrimo kale oo ka baxsan xadhiga DARE ee ay dareemadu ka dhasheen.

Dawladda Djibouti ayaa doonaysa inay hoos u dhigto dareenka cadhada leh ee ay shacabka reer Somaliland kaga jawaabeen xadhiga DARE oo ay Djibouti hore u sheegtay inuu soo marayo Berber, balse ay hadda sheegtay inaanu soo marayn biyaha Somaliland.

Geeska


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images