
Qoraal ay twitterka ku baahisay, waxay ku sheegtay inay Madaxweyne Biixi iyo dhinacyo kale oo ay la kulantay ka aragtay natiijo wanaagsan oo qabsoomida doorashooyinka ah, waxaanay tidhi “Qodobka kullanada aan maalmahan ku lahaa Somaliland waxa uu ahaa doorashooyinka. Madaxwayne Muuse Biixi iyo dadkii kale ee aan la kulmay waxa ay si cad u cabireen inay doonayaan inay arkaan In doorashooyinku dhacaan sanadka 2020. Sidoo kale waxa cad inay shacabka, gaar ahaan dhalinyaradu ay sidoo kale rabitaan wayn u qabaan!” sidaas ayay ku tidhi qoraalkeeda danjire Metter Knudsen.




