Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shaakir: Ahlu-sunna Waxay Dooneysaa Jagooyinka Sare ee Galmudug

$
0
0

Ururka Ahlu-sunna ayaa mar kale dhaliilay habka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso hannaanka dhismaha maamulka Galmudug.
Qoraal uu soo saaray Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayuu ka digay in haddii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay isbaddal la iman weydo ay iyaguna bilaabi doonaan howlo ay ku soo dhisi doonaan maamul kale.
Sheekh Shaakir ayaa VOA u sheegay in ururka Ahlu-Sunno uu doonayo in Galmudug uu ka qabto jagooyin sare-sare oo la mid ah kuwii uu ururuku horey uga hayay maamulka Galmudug.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo qaar ka mid ah musharrixiinta madaxtinimada Galmudug ay diideen in ay ka qeybgalaan doorashada, halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu isna magaalada Gaalkacyo ka wado howlo u gaar ah oo uu maamul ku soo dhisayo.
VOA

Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images