Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xukuumadda oo Hanti-dhawr galisay Telefishanka Qaranka xili aan Jawaab laga hayn Dacwadihii uu hore u hayey

$
0
0

hanti-dhawrAwdalpress(Hargaysa) 04 Dec, 13–Xukuumadda Somaliland ayaa Hanti-dhawr galisay Musuq maasuq iyo wax is-daba marin maamul oo uu Wasiirka Wasaaraddaasi ku Eedaynayo qaar ka mid ah Masuuliyiinta Telefishanka qaranka, isagoo shaqadii ka joojiyey Maareeyaha Telefishankaasi.

Hanti-dhawraha ayaa shalay Arroornimadii ku Jarmaaday Xarunta wasaaradda Warafaafianta Wacyigelinta iyo Dhaqanka, waxaanu galay waaxyaha kala duwan ee dhinaca Maamulka ee Telefishanka Qaranka isagoo ka qaatay qoraalo iyo xogihii yaalay.

Galitaanka Hanti-dhawrku galay Wasaaradda Warfaafinta ayaa muujinaya dareen Musuq maasuq oo la hadal hayo inuu la daadagey shaqaalaha iyo dhaqaalaha Telafishanka Qaranka, kaasoo ay Xukuumaddu muddo afar sano ahba la tag darayd wax ka qabashadiisa sida ay ku dodo, balse illaa hada aanay xal u helin.

Hore Hanti-dhawraha Guud waxa uu tiraba sadex afar jeer u galay Wasaaradda Warfaafinta isagoo ka sameeyey baadhitaano rajo beel noqday oo aan wax natiijo ah laga gaadhin, iyadoo wakhtigii ugu danbaysay uu xabsiga dhigay Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta Xasan Maxamuud kaasoo xukuumadda talada haysaa u arkaysay in uu ka sii raad joogo Xukuumaddii UDUB oo uu markaas ka soo jeeday Qoyskii ka talin jiray ee Rayaale, hase yeeshee Eedii iyo Dacwadii wakhtigaas loo sameeyey illaa hada wax jawaab ah oo ay Xukuumadda iyo Hanti-dhawrku ka soo saareen midina ma jirto.

Talaabada ay wakhtigaas Xukuumaddu ku beegsatay Wiilkaasi waxa ka biyo diiday wasiirkii wakhtigaasi Boobe Yuusuf Ducaale kaasoo ku dooday in aan Wiilkaas Muwaadinka ah shaqadiisa la siyaasadayne la keeno caddeymo maadaama aanu ahayn masuulka ugu sareeya ee yeelan kara awoodda lacagaha Wasaaradda lagu Lunsan karo waa tii laga diiday ee ay isagiina sahayatay, iyadoo aan illaa hada cawaaqib xumada taagan mooyee aan wax Guul ah laga gaadhin.

Falalkii siyaasadaysnaa ee Boobe wakhtigaas soo foqay ee lala Beegsaday Wiilkaas ayaan marna ka suulin Telefishanka Qaranka, waxaana soo if-baxaya Loolano hoose oo lagu kala ridanayo Dhaqaalaha telefishanka Qaranka oo la doonayo in siyaabo kale looga faa’iidaysto illaa hadana ma cadda talaabada ay Xukuumaddu qaaday in ay la mid noqon doonto tii hore oo kale iyo in ay Xukuumaddu halkaas kaga hadhi doonto, iyadoo wararka hordhaca ah ee soo dhacayaa ay sheegayaan in ay jiraan Dedaalo lagu danbabasayo xaaladda xilligan aloosan eek a taagan Tefishanka Qaranka oo Bar madow ku noqon doonta Xukuumadda haddii aan meel saarin Xisaabteeda.

Waaheen


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles