Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ra’iisal wasaaraha cusubi waa ka qiimo badan yahay shakhsi qabiil loogu soo baxo. Reer Gedona madaxnimo kuma cusba. Waase ayo Abdiweli?

$
0
0

Abdiweli waa Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya loo doortay doorkan, waxana iigu dambeysey wakhti uu madax ka ahaa mashruuc la odhan jiray naaxinta xoolaha. Waxanan isku barannay wakhtigaa oo ay wada shaqayn jireen aqoon yahan qiimo badan oo waxbarashada aad ugu fiicnaa oo aan isku degaan ka wada nimid. Laakiin uu isagu uu u soo xushay in ay wada shaqeeyaan.

Waxanan ku xasuustaa shakhsi jecel dadka aqoonta leh, maamulka uu hayeyna la jecel dadka labeenta ah ee aqoonteeda leh. Halkaa marka aan ka dhaqaaqo waxan ra’iisal wasaarahan oo jiilkayga ah u rajaynayaa in uu shaqadiisa u guto sida sharciga waafaqsan, inkasta oo la arkayo in aanu sharciba shaqaynayn, oo ay fog tahay xilli la xisaabtamo amma qofka wanaagsan taladiisa la qaato.Laakiin haddii uu yahay shakhsiga aan ku aqaannay sida aan kor ku soo sheegay, waxan ka rajaynayaa in uu taariikh fiican ka tago.

Reer Gadana waxan leehay. Waa mid aad ku faani kartaan in wiil degaankiinna ahi uu noqday ra’iisal wasaare, balse waxad ogaataan in aanay madaxnimo ku cusbayn reer Gedo. Dabbaal degga iyo isku soo buxuse waa mid aad ku muujinaysaan aqoonta wanaagsan ee aad u leedihiin, balse dadka gobollada kale waxay u qaadanayaan in aad qabyaalad ugu soo baxaysaan.

Waa kuma Abdiweli?

C/weli Sheekh Axmed Maxamed wuxuu ku dhashay degmada Baardheere ee gobolka Gedo sannadkii 1959-kii, hadda waa 54-jir. Waana dhaqaale-yaqaan jagooyin kala duwan soo qabtay.

C/weli Sheekh wuxuu ka baxay kulliyadii dhaqaalaha ee jaamacadii Gahayr ee Somalia, isagoo qaatay shahaadada heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadeed, waxaana xukuumadii milateriga ahayd ee Soomaaliya ay u magacowday markiiba agaasimaha guud ee wakaaladdii dhoofinta xoolaha Soomaaliya.

Markii uu dalku burburka galay C/weli Sheekh wuxuu u wareegay howlo kale isagoo lasoo shaqeeyay hay’ado badan, ururro, bangiyo iyo dalal caalamka ku yaalla. Wuxuuna daggan yahay dalka Canad isagoo haysta laba dhalasho ee Soomaali iyo Canadian.

Wuxuu muddo laabtan sano ka badan la shaqeynayay Hay’adaha kala duwan kasoo kala ah: Bankiga Canada, Bankiga Adduunka, hay’adda gargaarka dibadda u qaabilan waddanka Mareykanka ee USAID, urur-goboleedka galbeedka Afrika ECOWAS, bangiga horumarinta Islaamka iyo kuwo kale.

Sidoo kale, C/weli Sheekh wuxuu sannado la shaqeeyay hay’ado Qaramada Midoobay ka tirsan, Midowga Afirka, Midowga Yurub, ururka horumarinta beeraha jaamacadda Carabta, IGAD, urur-goboleedka golaha iskaashiga Khaliijka, sanduuqyada dhaqaalaha dalalka: Sucuudiga Carabiya, Kuwait, Qatar, bangiga horumarinta Aasiya iyo bangiga horumarinta Afrika.

Ra’iisul wasaaraha cusub wuxuu si aad u wanaagsan ugu hadlaa marka laga soo tago luuqaddiisa hooyo ee Soomaaliga afafka kala ah Ingiriiska, Carbiga, Talyaaniga iyo Faransiiska.

Dhanka kale, wuxuu socdaallo shaqo ku maray in ka badan 100-waddan oo calaamka ka tirsan, kuwaasoo ay ka mid yihiin 11 dalka oo kala ah: Somalia, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Zambia, Masar, Canada, Yemen, Sucuudi Carabiya, Kuwait, Imaaraadka Caabta iyo Malaysia.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa xilka ra’iisul wasaarenimo ee dalka si toos ah ula wareegi doono markii uu codka kalsoonida ka helo golaha shacabka sida uu qabo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images