Awdalpress– 13 Dec, 13–Nin ganacsade Soomaali ah ayaa subaxdii Arbacada meydkiisa laga helay waddo ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.
Lama oga cidda ka dambeysay dilkiisa, hase yeeshee Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ayaa si weyn u muujiyay dareen murugo leh oo ay ka qabaan dilka ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Fu’aad Cali.
Dhaawacyo rasaas ah ayaa la sheegay in jirkiisa ay ka muuqdeen, taas oo muujinaysa in dilkiisa loo adeegsaday rasaas.
Cabdirisaaq Biixi oo ka mid ah saaxibada Fu’aad ayaa sheegay inuu ahaa nin miskiin ah oo ka qeyb-qaadan jiray horumarinta fanka iyo dhaqanka bulshada Soomalida ku nool dalka Maraykanka.
Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa ah halka Soomaalida ugu badan ay uga nool yihiin dalka Mareykanka.
RBK