Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ciidanka dowladda Xasan Sheekh oo loo diray si ay u joojiyaan dagaalka Shabeellaha Dhexe

$
0
0

Ciidanka-Awdalpress(Muqdisho) 14 Dec, 14–Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa loo diray inay joojiyaan dagaal beeleed in dhowaaleba ka socday qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda ayaa ciidamo geysay deegaannada Keliga-Goomey iyo Saabuun oo hoos-taga degmada Jowhar ee xarunta gobolka, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka.

Mas’uuliyiinta ma aanay sheegin tirada ciidanka la geeyay goobahaas ama muddada ay deegannadaasi ku sugnaan doonaan.

Labo beelood ayaa ku dagaallamaya deegaanno bariga uga beegan magaalada Jowhar, kuwaas oo isku haya lahaanshaha dhul beereed.

Maalmo ka hor ayaa lagu guuleystay in xabbad joojin la kala dhex dhigo beelaha dagaallamay.

Boqollaal dad ku barakacay dagaalka ayaa dib loogu celiyay deegaannadii ay ka carareen.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles