Awdalpress(Hargaysa) 25 May, 13–Ururka Midowga Afrika (EU) ayaa bilaabay wejigii u horreeyey ee lagu wareejinayo urur-goboleed IGADD hawlaha Machadka Sheekh ee Farsamda Xannaada iyo Caafimaadka Xoolaha.
Machadkaasi oo ku takhasussa caafimaadka xoolaha iyo daryeelkooda, waxa magaalada Sheekh ee Somaliland ka bilaabay Ururka Midowga Afrika toban sanadood ka hor, hasse ahaatee haatan waxa loo qorshaynayaa in uu noqdo machad xarun u ah dalalka gobolka oo dhan.
Iyadoo haatan loo qoondeeyey qaybtii saddexaad ee dhaqaalaha taageerada ah ee la siiyo machadkaasi oo ilaa 3 miyan oo lacagta Euro ah, Ururka Midowga Yurub waxa uu xaqiijin doonaa in horumarinta waxbarashada machadkaasi iyo wareejintiisa maamulkuba ay u dhacdo si habsami ah.
ka mid ah ujeeddooyinka loo socdo in kor loo qaado barnaamijka waxbarasho ee machadka oo la gaadhsiiyo ilaa heer jaamicadeed, isla markaasina lagu xidho machadyada kale ee ku yaalla dalalka kale gobolka.
BBC




