Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Mucaaradka Jabuuti oo eedeeyay Madaxweyne Ismaaciil Geelle

$
0
0

Ismaaciil-Cumar-GeelleAwdalpress(Djibouti) 25 May, 13–Afhayeenkii hore ee Xisbiga Mucaaradka Jabuuti hatana ka mid ah Mas’uuliyiinta Dalada ay ku midoobeen Axsaabta Mucaaradka ee USN ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyo mowqifkooda doorashadii barlamanka Jabuuti oo ay saluugsanaayeen.

Axmad Rayaale waxa uu sheegay in wali ay dalka banaanbaxyo ay ku diidan yihiin doorashadaasi ay ka wadaan , isaga oo sidoo kale cambaareeyay xariga Madaxweyne Ismaaciil Cumar gale uu kula kacay Culumo iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Mucaaradka, taasi oo uu sheegay in lagu caburinayo aragtida dadka.

Axmed Rayaale oo ka mid ah Mucaaradka Jabuuti Ayaa been abuur ku tilmaamay war horay uga soo baxay Madaxweyne Jabuuti oo ah in shaqsiyaad fara ku tiris ah ay qaska wadaan dalka iyaga oo muran galinaya doorashadii barlamanka, waxaana uu Axmed Rayaale xusay in tani uu Ismaaciil ku doonayo in xukunka kusii dhagnaado.

Doorashadii barlamanka dalka Jabuuti ayaa waxaa jiray in ay kasoo horjeesteen Madaxda Xisbiyada la tartamayay midka talada haya kuwaasi oo ku doodaya in doorashada la musuq maasuqay kadib markii kuraasta ugu badan ee barlamanka uu helay Xisbiga Ismaaciil Cumar Geelle.

Star


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images