Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Duur Oo Xadhiga ka Jaray Laba Wado oo D/hoose Hirgelisay, Kulana la qaatay Odayo ka soo jeeda Xariirad

$
0
0

Wasiirka-DaakhiligaAwdalpress(Borama) 25 May, 13–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane  Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa maanta  xadhiga ka jaray laba waddo oo laami ah oo laga hirgeliyey magaalada Boorama halka uu mid kalena dhagax dhigay.

Wadooyinkanka uu Wasiirku xadhiga ka jaray  waxaa iska kaashaday dhismahooda Hay’ada DIA ee Maraykanka ah iyo D/hoose ee magaalada Boorama, halka wadada la dhagaxdhigayna ay Dawladda hoose la kaashan doonaan shacabka Xaafada Sh Cali ee magaalada Borama.

Wasiirka Arrimaha Guduhu  oo ku gudo jira maalintiisii sadexaad socdaal uu ku joogo caasimada G/Awdal ayaa sidoo kale soo kormeeray Dhismayaal cusub oo gacanta lagu hayo, kuwaas oo ay ka mid yahiin Garoonka Kubadda Cagta iyo saldhiga  Ciidanka Booliska loo dhisayo.

Wasiirku wuxuu warbixino ka dhegaystay ku xigeenka gudoomiyaha Gobolka Cabdi Nuur Sugaal iyo Gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi.

Sidoo kalana Wasiirka Arimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Nuur Carraale  waxa uu maanta kulan la yeeshay madax dhaqameedka Gobolka qaarkiis, shirkaasi oo Albaabadu u xidhnaayeen, balse wararku sheegayaan in uu kala hadlayay sii xoojinta arimaha nabadgelyada ee gobolka Awdal.

Warar kale ayaa sheegaya in kulankaasi uu wasiirku ku sheegay in uu ku yimid qoraalo ay madaxda dhaqanka ee beelo ka mid ah G/Awdal ay ku ogolaanayeen xalinta xariirad uu ku yimid, duqayda ayaa gaashaanka ku dhuftay in aanay oglayn MAG dilkii Xariirad, Isla markaana sii daynta odayada xidhan ay ahayd xal dawlada Somaliland gaadhay, si ay u keenaan ninkii dilka geystay, waxaanay u sheegeen wasiirka in la keeno dambiilihii, wasiirka ayaa isagu ku riixay in xalka arinta go’aan ka keenaan, taasi oo layaab ku noqotay Odayadii, waxaanay u sheegeen in wakhti la siiyo.

Wasiirka oo aan weydiinay in uu tegi doono Xariirad ayaa isagu ka gaabsaday suaashaas iyo kuwo kalaba.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images