Awdalpress(Muqdisho) 26 Dec, 13–Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo lagu wado inuu berri uga qeyb galo shir looga hadlayo sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda dalka Koonfur-Sudan.
Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay markii uu tagay Nairobi ayaa sheegay inuu ka qeyb galayo shir aan caadi ahayn oo madaxda urur-goboleedka IGAD ay ka yeelanayaan xaaladda qasan ee Koonfur-Sudan.
Wuxuu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu ka qeyb galo shirka xalka loogu raadinayo dhibaatada ka aloosan Koonfur-Sudan.
Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiirka arrimaha dibedda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo mas’uuliyiin kale.
Afhayeenka madaxtooyada, ahna la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka mid yahay madax ka tirsan urur-goboleedka IGAD oo codsatay in shir degdeg ah laga yeesho dagaallada iyo dhibaatada ka socoto Koonfur-Sudan, si xal loo gaaro.
Eng Yariisow ayaa xusay in madaxweynaha inta uu joogo Kenya uu kulamo goonni goonni ah la qaadan doono madaxda IGAD.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in madaxweynaha uu ka murugeysan yahay dhibaatada dadka Soomaalida ah ka soo gaartay dagaallada ka socdo Koonfur-Sudan, ayna qorsheynayaan sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed looga soo saari lahaa halkaas.
RBK