Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Macdanta ee Somaliland oo Wargayska Haatuf Iftiimiyay Shaqadiisa.. Maxaa lagu sheegay Haatufka Maanta?

$
0
0

MacdantaWasiirkii macdanta ee sir-laluud maantuunbuu u daraa waa ninka markii la waydiiyey sababta uu uga warwareegayo inuu Baarlamaanka hortago yidhi anigu Injineer baan ahay distoorka dalkana waxba ka garan maayo mana kala ogi in sharci dajintu xaq u leeyihiin inay iiyeedhaan oon hortago iyo in kale, ee hadana arkaya wasiiro qayrkii ah oo Wakiilada iyo Guurtidaba inta looga yeedho aayar hor taga.

Adeer Injineer-nimada uu sheeganayaa xagay jirtay markuu isku jabinayey shirkadii kaliya ahayd ee dalka aamintay ee Genel iyo dadkii ku noolaa deegaanadii saliida laga baadhayey.

Hadaanu waxba maarayn karayn oo nidaamka ay dawladani ku shaqayso garanayn ma xaqal qalinkuun buu ku takhasusay, ilayn ma jirto mashaqo iyo tala-xumo ka weyn tii dalka ka soo gaadhay bixitaankii Genel ee isaga iyo niman kale loo tirinayee.

Walee waxa ayaan daran cida kaas iyo waxa la nooca ah wali rajo ka sugaysa..

 

- Shirkadaha caalamiga ah ee saliid baadhista ayaa ka calool waydsan inay ka hawlgalaan dalka Somaliland intuu Mr Xuseen Cabdi Ducaale wali hayo xilka wasiirka Macdanta kadib markii ay wasiirka kala kulmeen carqalado iyo dhaqamo aanay ka gudan karayn hawlahooda.

Shirkadahan oo isugu jira kuwo heshiisyo shidaal baadhis ah la galay Somaliland sida shirkada Genel Energy iyo qaar kuwaas ku daba jiray oo doonayey inay dalka yimaadaan ayaa muujiyey siday saraakiil ka tirsani haatuf u tibaaxeen in aanay hadda diyaar u ahayn hawlo waaweyn oo ay Somaliland ka bilaabaan inta ay xukuumada Somaliland si dhab ah wax uga qabanayso duruufihii iyo arimihii keenay in shirkada Genel dalka iskaga baxdo bishii September 2013 si aanay kuwii oo kale dib u dhicin.

Ifafaalaha muujinaya kalsooni darada ku timid shirkadaha saliida waxa ka mid ah qalab qiimihiisu gaadhayo malaayiin dollar oo ay shalay dalka kala baxday shirkadd la yidhaa Tesla-Imc taas oo ay shirkada Genel qandaraas ku siisay hawlaha sahaminta saliida ee ay ka waday Somaliland.

Qalabkan oo la yidhaa Seismic Survey Tools waxay shirkada Tesla ku rartay oo ay dalka dibada ugaga saartay markab weyn oo ah nooca loo yaqaan RoyRoy.

Inkastoo shirkada Genel warsaxaafadeed ay soo saartay bishii November ku sheegtay inay dalka Somaliland ku soo laabanayso si ay hawlihii shidaal baadhista uga bilawdo horaanta sanadka 2014, hadana alaabtii loo isticmaalayey shidaal baadhista Seismic Survey ee shirkada Tesla ay shalay Dalka Kala baxday ayaa shaki galinaya in shirkada Genel ay dhab ahaan hawlaheedii dib uga bilaabi doonto dhulka Somaliland sanadka 2014.

Arimaha ay shirkadaha shidaalku kaga cawdaan dhinaca Somaliland ayaa waxa ugu horeeya wasiirka macdanta Xuseen Guray oo ay ku eedeeyaan inuu kula dhaqmo musuqmaasuq isla markaana uu jabiyo qodobada heshiisyada uu la saxeexdo shirkadaha.

Tusaale ahaan wasiirku waxa uu todobaadkan heshiis shidaal baadhis ah la galay nin Yemeni ah kaas oo uu u fasxay dhul markii hore kayd ahaan (optional) loogu ogolaaday shirkada Genel oo la yidhaa Block19 kuna yaala gobolka Sool taas oo la sheegay inay ka cadhaysiisay madaxda shirkada Genel.

Wargeyska Haatuf oo xogo dheeraad ah arimahan ka haya ayaa ka gaabsanaya inuu halkan ku soo bandhigo isagoo ilaalinaya maslaxada dalka.

Haatuf


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles