Awdalpress – Muqdisho – 28/12/13 – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sh. Axmed Maxamed oo markii ugu horreysey ee uu qaybaha bulshada la kulmo, xalay la kulmay haween ka socday gobollada dalka qaarkood iyo oo ay ugu badnaayeen kuwa magaalada Muqdisho ka soo jeeda, kulankaasi oo lagaga hadlay sidii haweenku ay kaalin muhiim ah ugu yeelan lahaayeen hoggaaminta dalka.
Haweenkii kulanka ka hadlay ayaa ra’iisul wasaaraha Somalia soo jeediyey talooyin ay ka mid ahaayeen, inuu il-gaar ah ku eego haweenka uuna kaalin mug leh ka siiyo xukuumaddiisa si ay qayb uga qaataan aayo ka talinta Soomaaliya.
Intaa kaddib waxaa hadlay ra’iisul wasaaraha Somalia, isaga oo ku dheeraaday kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin bulshada Soomaaliyeed isagoo carrabka ku adkeeyay in gabadhaha ay soo celin karaan midnimada ummadda Soomaaliya, isagoo xusay in xukuumaddiisa ay fursad weyn siin doonto gabadhaha Soomaaliyeed si ay uga qaybqaataan dib u dhiska dalka.
“Waxaan rumeysannahay midnimada Soomaaliya haweenka ayaa soo celin kara. Ragga gacmahooda ayuu dalku ku burburay aad ayayna u adag tahay inay raggu soo celiyaan, waxaanan qabaa inay gabdhuhu soo celin karaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu xusay in khudbadiisii uu ku sheegay in haweenku ay kaalin ka qaadan karaan dib u dhiska dalka, dhaqaalaha soo celinta, federaaliisimka, horumarinta arrimaha bulshada iyo adeegyada guud. Isagoo intaas ku daray in habka uu ku shaqeyayo xafiiskiisa uu meel weyn ka geliyay haweenka Soomaaliyeed.
“Haweenka nooc kasta oo ay yihiin waa kuwa saldhigga u ah qoyska, midda aan doonayno waa inaan shaqo abuur u sameeyo dhallinyarada rag iyo hablo noocay doonaan ha ahaadeen, khudbaddaydiina way ku jirtay,” ayuu C/weli mar kale ku yiri hadalka uu ka jeediyay kulankii xalay.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in qorshaha xukuumaddiisa ay ka mid tahay sidii looga hortegi lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee badaha ku le’anaya, kuwaasoo uu sheegay inay dhibaatooyin badan ku haystaan dalalka dunida qaarkood, sida Yemen iyo Sucuudiga oo uu kasoo shaqeeyay.
“Waxaan akhriyay qoraal ka hadlaya dhibaatada dhalinyarada Soomaaliyeed ku haysata dalalka caalamka, sida Suudiga iyo Yemen, kuwaasoo haweenku ay iyagoo dhibaateysan ku dhalaan, qaarkoodna ay ku badda ku dhacayaan, waana inaan qorshaha ku darsanaa sidii aan kuwaas u badbaadin lahayn,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.
Haweenkii kulankan ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa fannaanada weyne ee Soomaaliyeed Hibo Maxamed Huddoon (Hiba Nuura) oo si gaar ah ra’iisul wasaaruhu uu ugu maamuusay ka qaybgalka kulankaas.
Kulankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ra’iisul wasaaraha Somalia uu la yeeshay haween Soomaaliyeed oo gobollada dalka qaarkood iyo magaalada Muqdisho ka socday.
Ra’iisul wasaaraha ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, taas oo ay haweenku rajeynayaan inay jagooyin sar-sare ku yeeshaan inkastoo aan la ogeyn qorshaha ra’iisul wasaaraha ee arrintan ku saabsan.
Awdalpress.com