Awdalpres(Heag) 27 May, 13–Maxkamadda dambiyada dagaalka Caalamka ee fadhigeedo yahay Heeg ayaa si wayn ugu gacan sayrtay go’aankii madaxda midowga afrika ee ku aadana Kiisaska Uhuru ,iyo Ruto in ay maxkamadda faraha ka qaado .
Isku dubaridaha Howlaha Maxkamadda ICC-da Maariya kamaar ayaa sheegtay in go’aanka midowga afrika in uu yahay mid siyaasadeed islamarkaana Kiiska kenyatta ,Rutto iyo Sang uu sii socon doono.
Ms kamaar ayaa ku tilmaamtay Go’aanka hogaamiyaasha midowga afrika mid aan loo Mayl dayin.
Bayaan ay soo saartay Ms Maariya kamaar isku dubaridaha howlaha Maxkamadda ICC-da ayaa carabka ku adkaysay in kiisaska ka dhank aah Madaxweyne Uhuru Kenyatta ,ku xigeenkiisa Wilyam Rutto iyo saxafiga Joshwa arab san uu yahay geedi socod sharci aysan siyaasad galaan gal ku yeelan karin.
Bayaanka ICC-da ayaa ka dambeeyay kadib markii Hogaamiyaasha Afrika ay gaareen go’aan ICC-da loga dalbanayo kiiska ka dhanka ah shaqsyaadka kenyaan ah dib logu soo celiyo kenya ,oo ay faraha ka qaado ICC-da.
Star






