Awdalpress(London) 27 May, 13–Taliyihii Sirdoonka Militariga Ugandha kana mid ah Golaha Sare ee Militariga dalkaasi maamula ayaa ka baxsaday Dowlada Ugandha kadib markii ay soo shaac baxday sir uu siiyey Saxaafada dalkaasi Ugandha.
Gen. David Sejusa (Tinyefuza) oo kamid ah saraakiisha u sareysa ee dalka Ugandha ayaa la sheegay inuu hada ku dhuumaaleysanayo magaalada London ee caasimada Ingiriiska, waxana la sheegay in dowlada Ingiriiska ay siisay illaalo.
Saraakiil u shaqeeya sirdoonka Ugandha ayaa la sheegay inay London soo gaareen iyagoo ku raadjooga Jeneraalkan oo hada la sheegay inuu kasoo baxsaday dowladii uu xilka u hayey.
Sirta la sheegay inuu bixiyey Gen. David Sejusa ayaa ah in uu jiro Qorshe ay ciidamada Militariga u diyaarinayaan dilal qorsheysan oo lagaga takhalusayo Qaar kamid ah Saraakiisha iyo Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musefeni.
Qorshahan ayaa lagu tilmaamay mid qeyb ka ah, qorshe la sheegay inuu wado Musefeni inuu xilka ku wareejiyo Wiil uu dhalay oo hada xil sare looga dhiibay militariga dalkaasi.
Star






