
Waa markii ugu horreysey taariikhda qurba joogga reer Ingiriis ay muujiyaan midnimo aan loo kala hadhin oo ay ku soo dhaweeyeen Ugaaskooda Beelaha Gadabuursi Ugaas Abdirashid Ugaas Dooddi. Waxana Madal qurux badan oo loo goglay isugu yimid dadweyne aad iyo aad u tiro badan, oo kaba batay barxaddii Hotel Comfort ee loo goglay.





Ugaas Abdirashid oo ka soo kicitimay dalka Kanada kuna sii jeeda dhulkii hooyo ayaa la kulmay xafladdan qiimaha badan ee xalay ay u qabteen Jaaliyadda reer Awdal ee dalka Ingiriisku. Waxana ay xafladdani aad iyo aad uga geddisnayd kuwa -yawgii hore ee lagu soo dhaweyn jiray Ugaaska.

Munaasabadda soo dhaweyntan ayaa waxa aad uga muuqday dhammaanba Salaadiinta, waxgaradka rag iyo haweenba leh iyo da’yar aad u tiro badan. Waxana ay dad badani ka hadleen xafladdii madasha. Iyada oo si fiican oo edeb leh la isku dhageysanayey, isla markaana aad loo lafa guray taariikhdii boqollaalka sano soo jirtay ee Ugaasyada amma is maamulka boqortooyada Gadabuursiga iyo xilliyadii kala geddisnaa ee ay soo martay. Sidoo kale waxa lagu tiiq tiiqsaday qiimaha ay midnimada iyo wada jirtku leedahay.
Intii lagu guda jiray xafladda ayaa waxa dadweynuhu u sheekaysanayeen si farxad leh oo uu qof walliba ka kale ee uu ag fadhiyo karaamaynayo. Waxana halkaa laga akhrisanayey in xubbi badani ka dhexeeyo shacabka reer Awdal ee qurba joogga ah. Manay jirin xan iyo hadal la kala qarsanayey.




Dhinaca kale waxa madasha wada fadhiyey shakhsiyaad miisaan leh oo siyaasadda aad ugu kala geddisan, misna wada qoslayey oo is weydaarsanayey kaftan iyo haasaaweba. Waxana marmarka qaarkii dhagtayda ku soo duulayey kaftan reer Magaal oo lala tiigsanyo siyaasiyiinta xilligan aadka looga hadal hayo Awdal iyo dibaddaba oo ku sugnaa madasha.
Isku soo wada duuboo, waxa iyaguna xusid mudnaa dumarka sida quruxda badan u labbisnaa, ee sida akhyaarnimda leh u fadhiyey madasha, kuwaasi oo ay ka muuqatay xammaasad aad u heer sarraysa oo ay ku iftiiminayaan jacalayka ay u qabaan midnimada ummaddooda, daryanka durmaannada ay siteenna ayaanu marna kala gu’in.
Gaba gabadii kulanka ka hor waxa iyana si buuq la’aan ah oo edeb badan loo wadaagay waliimadii loogu talo galay xafladda, waxana la yaab lahaa sida ay cuntadaasi u maacaanayd ee weliba ay u wada gaadhay dadkii ammaba ugaba badatay. Sida la ii sheegayna waxa cunnadan diyaariyey qaar ka mid haweenka reer Awdal. Cuntadaasi oo isugu jirtay noocyo kala geddisan oo aad u macaanaa wayaa waxa dheeraa sharaabka oo hagar la’aan ah.
Ugu dambayntii waxa Ugaaska makrafoonka ku soo dhaweeyey Ahmedweli Sh. Omer Goth oo ka mid ahaa hawl wadeennada xafladda, kaddibna waxa hadallo qiimo badan iyo duco ka jeediyey Ugaas Abdirashid Ugaas Dooddi.
La soco qaybaha kale iyo warka oo faah faahsan.
Qaban qaabiyaasha xafladdan ayaa waxa guddoomiye u ahaa Ismail Hussein oo ku magac dheer Ismail Madoobe.
Awdalpress.com

















