Arrin Xiisa Leh Oo Ku Saabsan Booqasho Sargaal Reer Kanada Ahi, Dhawaan Ugu Baxay, Qabiil ( Gadabuursi ) yaab Leh.

Waxa xog ahaan la noogu sii sheegay in aaanu Ugaasku jeclayn ferenjiga [Ninka cad], sidaas awgeedna waxaan door bidnay inaan iska horreysiinno nin horbaxanyo ah oo la soo xaajooda ugaaskiisa, dabadeedna ka keeno warbixin lagu aammini karo arrintan, waayo waxa noo muuqatay in aan ciidankayagan tirada yari ahayn mid laysku halleyn Karo.
Si dareenkiisa daacadnimo uu noogu muujiyo, ugaasku wuxu soo diray ina-adeerkii si uu gadhwadeen noogu noqdo. Ninkan gadhwadeenka ahaa oo uu la socdo nin kale oo ahaa askari deegaanka ah, kana tirsanaa ciiddanka rakuubka [camel corps] oo Saylac laga soo diray, ayaa noogu wada yimaadeen kaamkii aan degganayn.
Jufa-mici dheer, oo ah buur salaxyo dhagax cas waaweyn leh, oo astaan u ah kala rogga dhirta iyo xooggaga ku gadaaman ee ay ka muuqdaan degello ay ka dhisan yihiin aqal somaliyo sheedda la moodo diiman rarambadha ama gunduda. Duleeddada degelladaa waxa hoganaayay kedimo geellal ah oo ay xerinayeen wiilal ayni iyo ilwaad qurxoon [fine-looking men], iyo adhyo [Ido iyo riyo] tira badan oo ay la joogeen/eegayeen haween ay ka muuqato saameynta cimilo-gooreedu [weather- beaten women]. Subaxnimadii labaad ee safarkayaga, waxan dhex jibaaxnay abqadda geed qodaxeedka dabooshay babacyada biyo-shubka buurta Jufa-mici-dheer. Sidaan wadiiqadayadii kolba dhinac ula leex-leexanaynay keynta dhexdeeda, waxaaban gaadhnay goobtii kaamka loo asteeyey, halkaas oo Annaga iyo Abaysiiniya noo noqotay xuduud. Dhagaxa weyn ee miciga ah, kana taagan figta buurta, korna uga mudhsan ilaa 200 oo fuudh.ayaa loogu magac daray buurta [jufa –mici-dheer].

Markii noogu horreysay bildhaanta buurta Jufa-micidheer, waxan ka soo gudbaynay banka marareed. Baaxaadagga hirarka xarfada isjartay ee tan iyo haydh-haydh aad moodaysay inay soo afjartay hummaagga fongoraha leh ee buurta oo noogu muuqatay sidii wax ay buurtu dhex dekaynayso widhwidhka dhallaan-hababista bixinaysa midabyo iskugu jira casuus, casaan, caddaan iwm.
Araddada bannaan oo dhan waxad kula kulmaysay raxamo biciid, cawl iyo deerooyin ah, oo ugaadhsi aad ugu haboon. Run ahaanttii waxan goobtan u arkay inay ka mid tahay meelaha ugu hodansan ugaadhsiga adduunka; balse waxa aan daah saarnayn, oo markiiba aan diirradda saaray in meeshani aanay barwaaqadan sii ahaan doonin, oo aanay ugaadhsatadu nimcadaa ku sii jiri doonin.
Haddeerto waxan soo galnay dhulka gadabursiga, waxanan soo dhaafnay dhawr beelood oo bulshooyin gadabursi ahi degan yihiin. Dhammaantoodna waxa ku deyrnaa ama ku wareegsanaa dhacammo xoog leh oo lagu ooday tisas tincad ah, oo ahaa Gabbaadyada dagaalyahannada gadabuursiga (halkaas oo dagaalyahannadu foodda ku qaban jireen colaadaha), .Sawirrada waxa ka muuqda dadkii deegaanka ee gadabuursiga ahaa oo ku soo qulqulaya goobtii aan ku ballansanayn. Waxay dhammaantood xidhnaayeen dhar cadcad, waxayna u muuqatay in ay u soo wada labisteen munaasibaddani. Mid kastaa wuxu sitay gaashaan iyo seddex ama afar waran oo haadhaaya, lagana yaxyaxayo muuqaalkooda. Anigoo isla maqan oo aan la shawakhsanaa sawirro aan qaadayey ayuun baan ku soo baraarugay xeradii oo aan gaadhnay, waaba awrtii oo rarkii durba laga furay,wiilal firfircoonina kashaqaynayaan, oo uu hoggaaminaayo Jaamac siciid, gadhwadeenkayagii qaaliga ahaa, oo xeradii kaamka oodaayo, teendhooyinkiina dhidibbada u taagaya.
Fogaan ku siman ilaa nus-mayl dhinac kasta, oo nagu xeeran, geed walba waxa hoos jiifay ama fadhiyay kooxo dadka deegaanka ah, oo laf ahaantoodu ka hadhgalay kulka iyo shaamareerka qorraxda duhurnimo ee duljoogta. Iyadoo wax yari ka hadheen dhammaystirkii kaamka ayuu noo yimid Jaamac Siciid oo nagu wargeliyey in caaqilkii yimid. Caaqilku wuxu u labisnaa si heer sare ah oo qurux badan. Maradiisa, oo ahayd dharka kaliya ee badanaaba ay dadka degaanku korka ka xidhaan, ayaa ahayd mid ballaadhan oo lagu daruuray diillimo casaan ah, kaas oo loo yaqaannay “Heili” oo ka yimid eryga ingiriisiga “highland” oo dhalan rogmay, Maradani ayaa inta korka oo dhan lagu soo wareejay cidhifkiisana si jiilan looga riday garabka bidix.Waxa dhexda ugu xidhnayd kiishad shaash leh iyo bullaawe Turki ah oo lagu bilay macdanta lacagta.Dawladda oo bilaawahaas ugu keentay inuu noqdo aqoonsi u gaar ah xilka iyo masuuliyadda caaqilka dawladda u hayo. Wuxu gashanaa kabo Jaangari caadiya, oo lagu isticmaalo deegaanka, aadna u qaro weynaa, gafuurka horena kor uga soo laabnaa si ay faraha hore uga ilaaliyaan turaanturada. Madaxa waxba uma saarnayn, timahana wuxu u xiirtay si siman oo gunta ku jaran, waanaa sida aalaaba u xiirtaan ragga muslimiinta ee guursada xaas iyo iyo ka badanba. Caaqilka waxa galbinaayay rag badan, oo intooda badani ahaayeen dhallinyaro. Badidoodu waxay lahaayeen timo dheer oo dhexda ku kala sooran badankooduna ku casaysteen dhoobo cad oo laga helo degaankoodan. Waxa aad qurux isugu soo baxay jidhkooda madow iyo midabka casuusta ah ee timaha ay u sameeyeen. Dagaalyahannada ilaalada caaqilku waxay dhammaantoodba ku hubaysnaayeen gaashaamo, warmo iyo eebooyin. Warmaha iyo eebooyinku waxay isugu jireen kuwa loo adeegsado ganista riddada dheer iyo kuwa riddada gaaban.

Raggayagii si dhakhso ah ayay rigo u galeen, iyadoo gaadhkii hubaysnaana lagu amray inay ka foojigaystaan qaab colaadeedkan aloosan, oo cid aan ka ahayn Caaqilkana aysan u ogolaanin gelitaanka xerada..Hoggaamiye Jaamac Siciid, ayaa caaqilka taandhada keenay. Caaqilku wuxu noo salaamay si aan diirranayn, isagoo aniga iyo kooxdaydiiba ka simay gacan qaad deg deg ah, islamarkaana ku dhawaaqaya“Salaam”. Is waraysigayagii waqti dheer ma qaadan, isagoo Turjumaanku nooga afcelinaayona wuxu yidhi, qunsuliyadda Saylac waxay igu soo amartay in aan idin soo mariyo dalka kol haddayna cidina -reer tolkii kacsanayn oo wax dagaal ahi ka oognayn, balse la innooga digaayo ,wixii halis ku iman kara safarkan . Wuxu intaa raaciyay dadka waddankani waxa u farxad ah la kulankiina, iyo inaanay ka cabsiqabin wax dhibaato ah. Ugaaska laftiisii ayaaba innagu soo socda,, oo la filayaa in uu inoo iman doona casarka.
Annaguna waxan u sheegnay in aan ku faraxsannahay la kulankiisa, kadibna waxan su’aalnay ujeeddada dagaal yahannada laxaadkan leh la isugu keenay, Taasna wuxu kaga jawaabay boqorka ayaa amray in damaashaad weyn [a great tomasho] loo soo baxo oo loogu ciyaaro munaasabad lagu maamuusayo soo dhaweyntayada, taas oo haddana ugaasku ka wawar qabay in ay daawashadeedu xiiso noo yeelan weydo. Dabadeetana caaqilkii waxa xilqaaday oo cunto siiyay xubnihii wafdigayaga somalida ahaa, isla markaana ka xogwaraystay wararka guud iyo xuuraanka arrimaha hoos hoose ee deegaanku ka jira, maxaa yeellay aad bay u xiisaynayeen bulshadatan. Hadhimadii duhurnimo dabadeed yar, annagoo fadhina teendhadii dhexdeeda oo aan ku jirnay qorsheyntii hawsha maalinta isku soo baxa, ayaa waxa baqdin weyn na galiyay markaan aragnay tirada ragga hubaysan ee keynta abqada ah soo dhex humbaalaynaya. Markaan u sii kuur galnayna waxaan ogaanay laxaadka iyo tirada xaddhaafka ah ee laysku keenaay, orka iyo bulhanka aan kala go,a lahayn ee iska soo daba dhacaya. Debaddii aan u soo dareerayba, waxaan arragnay dadkii deegaanka oo markiiba sameeyay ama isu habeeyey laba saf oo dhaadheer, oo ishaysta laga bilaabo afaafka kaamka ilaa gego banaan oo naga durugsanayd cidhifkeeda u shisheeya, gegedaa oo ahayd miidaan ciyaareed dabiici ah oo kaamka agtiisa ku taallay. Intaan qoladayadii xerada joogtay markiiba dib iskugu ururray oo ilaaladayadiina iswada taageen intay qoryaha garabaha wada saarteen ayaa safafkii soo gaadheen ilaa xerada gudaheeda. Waxa ka soo baxay keyntii ka dambaysay cidhifkii u shisheeyey ee safka rag fardoolay ah oo wata sengayaal si bilicsan loo soo shaaximay. Waxa agsocday rag waranlay ah oo lugaynayey aayarna u socda. Waxa hor kacaayay waayeel ruug-caddaadi ah, oo fuushanaa sange mayeedhaan ah. Waxana ku daba jiray cutubyo dagaalyanno ah, kuna labisan huga dagaalka, fardahooguna oradka afar qaadlaynayeen, fardahaasi oo ka baraq naxay sowraxanka iyo qaylada dheer ee dadku ku soo dhaweynayeen boqorkooda sharafta badan. Ninkan waayeelka ahi waa Ugaas Nur, boqorka ama ugaaska Gadabursiga, wuxuna lahaa dhawr magac oo kale, oo aanan haddeerto xasuusnayn,. Markuu Ugaasku ka soo degay faraskiisii, soona dhaafay miidaanka xerada [zareba], ayaa “Askartayadii” (waa sida ay jecelyihiine” oo ka amar qaadanaayay taliyahoogii ayaa rasaas xad dhaaf ah furay, oo kor mariyay ugaaska madaxiisa, si ay u cabsigaliyaan/waxna u tusaan qoomiyaddan adag ee aan la loodin karin, iyogoo weliba annaga laftayadana nooga dhigaya isbaraawixin.
La soco qaybta kale
Mohamed Osman Dhirane