Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

War deg deg ah: Wasiirka Arrimaha dibadda ee dawladda Somalia oo loo magacaabayo Dr. Beyle oo ka soo jeeda gobollada galbeedka Somaliland.

$
0
0

somaliyaAwdalpress – Mogadisho – Ololaha siyaasadeed ee ku wajahan dawladda loo soo dhisayo Somalia, ayaa maraysa wakhti gaba gabo, waxana usbuucan la filayaa in si dhammays tiran uu ra’iisal wasaare Abdiweli u soo gudbiyo magacyada wasiirrada cusub.

Haddaba warar xog ogaal ah oo aan ka hellay meelo kala geddisan oo ku dhaw dhaw maamulka Muqdisho ayaa tibaaxaya in wasiirka Arrimaha dibadda loo magacaabayo Dr. Abdirahman Beyli oo maalmahanba la hadal yahayey, balse aan la hubin in mansabkaa wasiirka arrimaha dibadda loogu dari doono ku-xigeenka ra’iisal wasaaraha. Taasi oo ay u xusul duubayaan siyaasiyiin kale oo ka  soo jeedda gobollada Burco iyo Hargeysa ee Somaliland.

Xulitaanka wasiirrada xilligan ayaa ka dareen culus sidii hore, waxana ay dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay immiga culayska saaraysaa sidii ay u hanan lahayd beesha caalamka, sidaasi daraaddeed ayaa ay u doonaysaa sidii ay u soo xuli lahayd shakhsiyaad miisaan culus ku leh ilaha waaweyn ee siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka. Taasina waxa ay meesha ka saartay habkii qabaliga ahaa ee beelaha lagu raalli gelinayey isla markaana aan loo eegi jirin aqoon iyo CV midna. Haddaba habka xulista wasiirrada ee cusub  ayaa  miisaanka la saarayaa waxa loo yaqaan CVga iyo aqoonta ay shaqada dawladnimo ee ay qaban doonaan ay u leeyihiin.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisal wasaare Abdiweli Ahmed ayaa aragti ahaan iskaga mawqif ah habka noocan ah,  ee loo soo xulayo wasiirrada cusub. Balse waxa wakhtiga ku dheerayey sidii ay u qancin lahaayeen, shakhsiyaad cusulays badan ku saarayey ra’iisal wasaaraha in ay oday dhaqameedyada dalabkooda tixgelin siiyaan iyo xubno baarlamanka oo iyana fikirka qabiilka aad u aamminsan.

Dr. Beyle ayaa haddaba noqon doona Xoghaya arrimaha dibadda ee oo u shaqayn doona sida qaabka Maraykanka. Waxana uu noqon doonaa shakhsiga saddexaad ee ugu awoodda badan dalka Somaliya, gaar ahaa dhinaca xidhiidhka caalamka. Waxana ay aad u wada socdaan Madaxweynaha ra’iisal wasaaraha iyo siyaasiyiin miisaan culus ku leh siyaasadda dibadda ee beesha caalamka.

Arrinta kale ee iyana ku xigi doonta isbeddelkan ayaa ah in la magacaabi doono, kaadar aqoon iyo waaya aragnimo badan u leh shaqooyinka Safaaradaha, arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah oo ay wada shaqayn doonaan Dr. Beyle.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles