Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

WAR CUSLUS; Xildhibaanno si cad ugu Sheegay Ra’izul Wasaare Cabdiweli in aanu hortooda isku soo ceybeen hadii uusan qaadan baaqooda

$
0
0

breaking-news2Awdalpress – Muqdisho – Xildhibaano ka tirsan Baarlaaanka Soomaaliya kana mid ah Xubnihii gudbiyay Mooshinka looga soo horjeedo in Xukuumada Cusub lagu soo daro Xubno ka mid ah Golihii wasiirada ee la riday ayaa digniin culus u diray Ra’izul Wasaaraha .

Xildhibaanadan oo dood kulul ka yeeshay Mooshin Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyay ayaa sheegay in marnaba aysan meel marin doonin kana soo horjeedaan in Xukuumada Cusub lagu soo daro Wasiiradii afkooda ka qirtay in ay fashilmeen waxna qaban waayeen.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in layaab tahay in Wasiir shalay Mooshinkii lagu ridayay Xukuumadii uu katirsanaa u ololeenayay qirtayna in uu fashilmay in hadana Wasiir laga soo dhigo.

Xildhibaano kale oo iyana kamid ah Xildhibaanada gudbiyay Mooshinka ayaa ugu baaqay Ra’izul Wasaare Cabdi Wali in uusan Baarlamaanka isku soo ceyb hadii uu kusoo daro Wasiiradii Fasahilmay Xukuumadiisa uuna la kulmi doono diidmo cad.

” Labo Wasiir oo ka soo jeedo Beesheyda ayaa ii timid Xiligii uu socda Mooshinkii lagu ridayay Xukuumadii Saacid waxa ayna iga codsadeen in aan Xukuumada wax ka rido maadaama ay fashilantay la qaban waayay , hadan Wasiiradaas aan shalay kajoogi weynay na rida ku hayay miyaa hadana Wasiiro noo noqonaya oon cod siinaa” ayey ku dooday Xildhibaanad katirsan Baarlamaanka.

Inta badan Xildhibaanada kasoo horjeeda in Golaha Wasiirada lagu soo daro Xubnihii katirsanaa Xukuumadii Saacid ayaa si cad ugu sheegay Ra’izul Wasaaraha in uu ka fiirsado arintaasi hadii kale ay Baarlamaanka gudihiisa kusugayaan.

Mooshinkan cusub ayaa wal wal badan ku abuuraya Ra’izul Wasaare Cabdiweli oo ku guul dareestay in Golaha Wasiirada uu ku soo dhiso Muddo bil ah uu heystay mar kalana Baarlamaanka ka codsaday in la siiyo 10-maalin oo dheeraad ah.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles