Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qaar ka mid ah Salaadiinta Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabtay kulan lagu taageerayey Madaxweynaha cusub ee Punland Abdiweli Gaas.

$
0
0

SalaadiinAwdalpress – Muqdisho – Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Salaadiinta Soomaaliyeed ayaa maanta oo lagu taageerayey, laguna hambalyeynayay Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntiland Cabdi Weli Maxmed Cali Gaas oo 8-dii bishaan xildhibaanda cusub ee maamulkaasi ay u doorteen in uu hoggaamiyo Maamul goboleedka Puntland Shanta sano ee soo socota.

Kulanka ayaa waxaa salaadiintii ka hadashay ka mid ahaa Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, Imaam Maxamed Yuusuf iyo , Ugaas Maxamuud Cali Ugaas kuwaas oo dhammaantood muujiyay taageerada ay u hayaan Cabdi Weli iyo maamulkiisa cusub.

“Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntiland aad ayaan ugu hanbalyeyneynaa. Aad ayaan u naqaan, R.wasaare ayuu dalkaan ka soo noqday wax badan ayuuna qabtay, Waa ruux ku haboon in uu xilkaasi qabto waxaaana u rajeyneynaa in uu noqdo ruux mideeya ummadda Soomaaliyeed,” sidaana waxaa yidhi Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade

Waxaa sidoo kale ay aad u soo dhaweeyeen Salaadiintu sida sharafta badan ee odayaasha dhaqanka Puntiland ay ugu guuleesteen in ay maamulkaasi dhidibada ugu taagaan iyada oo wax rabshad ah aysan dhicin iyaga oo Madaxweynaha shaqada ka tegaya ee Cabdi Raxmaan Faroole isna ugu hanbalyeey sida kartida iyo karaamaha leh ee uu u aqbalay natiijada doorashada.


Dhawaan ayaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,  R. Wasaarihii xukuumadii ugu danbeysay dowladii KMG aheyd waxa uu noqday madaxweynaha Puntiland isaga oo ka guuleestay Cabdi Raxmaan Faroole oo kursigaasi ku fadhiyay muda 5 sano ah.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles