Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Gaadiid Dagaal ay xalay ka qabsadeen Ciidanka Dowlada Soomaaliya(Daawo Sawirada)

$
0
0

tikniko_4Awdalpress – Mugadisho – Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta Magaalada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan waxa ay ku soo bandhigeen gaadiid Dagaal ay xalay ka qabsadeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya kadib dagaal culus ay ku galeen Degmada Mahaddaay.

Gaadiidkan Dagaalka ee Shabaab xalay ku qabsadeen Dagaalkii ay ku galeen Degmada Mahadaay iyo Deegaanka Buurane ee Gobolka Sh/Dhaxe ayaa gaaraya ilaa Sadax gaari oo labo kamid ah ahaayeen gawaarida Dagaalka Tiknikada.

 

Dagaalyahandii Shabaab ee Gaadiidkan xooga kusoo qabsaday ayaa maanta iyaga iyo gaadiidkaasi waxa ay socod ku mareen Magaalada Buulo Burte halkaas ay isugu soo baxeen Taageerayaasha Shabaab.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles