Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Golaha Amaanka ee QM oo ku gacan sayray dalabkii Kiiniya ee ahaa in kiiska ICC la soo Afjaro

$
0
0

Golaha-AmmaankaAwdalpress(Newyork) 28 May, 13–Golaha amaanka ee QM ayaa ku gacan sayray dalabkii dowlada Kenya ee ahaa in maxkamada ICC ay  soo afjarto kiiska ka dhanak ah madaxwayne Kenyatta iyo xigeenkiisa wilyam Ruto .

9 ka mid ah 15 wadan ee xubnaha ka ah golaha amaanka ee QM ayaa ku gacan sayreen dalabak Wakiilka kenya ee QM Mashaariya kamau ee ah in kiiska la soo afrao .

Qaar ka mid madaxdii ka qayb gashay kulankani ay albaabada u xirnaayeen ee ay yeesheen golaha amanka ee QM ayaa waxa ay sheegeen in 3 ka mid ah wadamada xubnaha joogtada ka ah ay ku gacan sayreen dalabka Kenya .

Wadamada maraykanak ,Biriten iyo fransiiska ayaa la sheegay in ay si wayn uga soo horjeedsadeen codsiga ah in maxkamada ICC ay soo afjro kiiska shaqsiyaadak Kenyanak .

Wadamada Ruushka iyo shiinaha oo iyaguna ka mid ah xubnaha joogtada ee golaha amaanka ee QM ayaa la sheegay in ay taageeren codsiga dalknai Kenya .

Dhamaan wadamada Africanka ee xiligan ku jira 15 xubnood ee golaha amaanka ee QM ayaa taageeray dalabka Kenya ee ah in maxkamada ICC ay  soo afjarto kiiska ka dhanak ah madaxwayne Kenyatta iyo xigeenkiisa wilyam Ruto

Wadamada Togo ,Morooko iyo ruwanda ayaa u codeeyay codsiga Kenyan waxa ayna muujiyeen wadamadani africanka ah muhimada ay leedahay in shaqsiyaadak Kenyaka gudaha Kenya lagu maxkamadeeyo.

Wadanka azarbajaan oo horay uga mid ahaan jiray midowga Suufiyeeti ayaa iyaguna taageeray codsiga Kenya iyaga oo muujiyay in marka la eego sidii nabada ee ay u dhacday doorashadii 4march ay taasi muujinayso in ay kenya awoodo xalinta mushkiladaheeda

Dowlada Ruushka ayaa dhankeeda ku dooday in maxkamadaynta hogaamiyayaasha kenya ay qatar ku tahay amaanka iyo nabada caalamka .

Wadamada kale ee diiday codsiga Kenya ayaa ka mid dalka arjantiin ,guatemala Ausralia ,Kuuriya .

Dowlada maraykanka oo ka soo horjeedsatay codsiga Kenya ee ah in kiisak maxkamada ICC la soo afjaro ayaa ugu baaqday kenya in ay al shaqeeyaan maxkamada ICC .

Dowlada Ruushka ayaa dhankeeda ku dooday in maxkamadaynta hogaamiyayaasha kenya ay qatar ku tahay amaanka iyo nabada caalamka .

Wakiilka kenya ee QM Mashaariya kamau ayaa golaha amaanka u gudbiyay dhawaan warqad uu kaga codsanayay in la  soo afjaro kiiska ka dhanak ah madaxwayne Kenyatta iyo xigeenkiisa wilyam Ruto .

Star


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images