Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Sheekh Xasaan: Hala dilo hor-joogayaasha khilaafsan Godane

$
0
0

Sheekh-Xasaan-Awdalpress(Nayrobi) 28 May, 13–Sheekh Xasaan Xuseen Aadan oo ka mid ah wadaadada taageersan kooxda al-Shabaab ayaa soo jeediyay in la dilo hor-joogayaasha uu khilaafka kala dhaxeeyo madaxa kooxda, Axmed Cabdi Godane.

Sheekh Xasaan oo fadhiggiisu yahay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa sheegay inuu xal u arko dilka cid kasta oo isku dayda inay qeybiso waxa uu ugu yeeray “jihaadka socda”.

Wuxuu u jeediyay kuwa ku kacsan hor-jooge Axmed Godane inay isaga tagaan Soomaaliya oo ay aadaan dalalka kale ee “jihaadka” uu ka socdo, haddii uu dhab ka yahay camalka jihaadka.

“Qolyo wadaaddo masaakiin ah oo Ictisaam ah oo meelahaan fadhiya ayaan dhahnay adduunkaan hala dhaafiyo, jihaadka socda nin qeybinaya – waxaan qabaa in adduunka la dhaafiyo”, ayuu yiri Sheekh Xasaan.

Waxaa dhowaanahan isa soo tarayay khilaafka u dhaxeeya hor-joogayaasha sare ee kooxda al-Shabaab, kaas oo gaaray inay warbaahinta isu marsiiyaan cabashooyin ay u kala dirayaan madaxda sare ee Al-Qaacidda ee ay xulufadu yihiin.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images